Sudaanka Guud Ee Qurba jooga Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa + SAWIRRO

0
1192

Hargeisa, (HargeisaPress) — Suldaanka guud ee qurbe-jooga Somaliland  Suldaan Maxamuud Cabdilaahi Cali (ilkacase) ayaa manta   si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda  Hargeysa, isagoo Suldaanku ka soo kicitimay dalka Sweden oo uu degan yahay.

Suldaan Maxamuud Cabdilaahi Cali (ilkacase) Waxaana Suldaanka markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal Airport , halkaasi ku soo dhaweeyay qaar ka mida qurba jooga Somliland ee dibada , salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, haween iyo dadweyne aad u tiro badan.

20150622_105819

Suldaan ilkacase oo ka hadlay garoonka diyaaradaha ee lagu soo dhawaynayay, ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweyay waxaanu yidh “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maanta sida qiimaha leh ee aad halkan iigu soo dhawayseen, dhamaantiinba, Dhalinyarada , dumar, xildhibaano, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad . Si aad iyo aad u weyn oo aan la qiyaasi Karin ayaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ii soo dhawayseen.

20150622_105924

Isagoo ka waramayay waxyaabaha dhinaca horumarka ah ee dalka iska bedelay mudadda uu ka maqnaa waxa uu yidhi “Waxan dalka ka maqna ilaa 9 sanadood Waxaan  arkayaa waxqabad weyn iyo sibedelka ka dhacay dalka oo ah mid la taban karo, oo aan la dafiri Karin iyo horumar ayaan arkayaa.

20150622_105824

Geesta kale Suldaan ilkacase waxaa uu baaq u diray qurbe jooga Somaliland oo uu u soo jeediyay  inay dalkooda horuamrkiisa ka qaybqaataan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here