SOLLA: Warsaxaafadeed Dib-u-Dhaca Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka

0
1113
Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa, (HargeisaPress) –Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA oo ka Duulaya ama Tixraacya warsaxaafadeedka ay maanta oo taariikhdu tahay 28/11/2018 soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranka somaliland ujeedadiisuna ahayd dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiilada somaliland iyo Golayaasha deegaanka oo ay komishanka ku sheegeen in aan xiligeedii lagu qaban karin doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha deegaanka

sidoo kale  markuu ururka  arkay waxyaabaha ay komishanka doorashooyinku ku sobabeeyeen dib u dhaca doorashada oo kale ah caqabado dhinac Xeerarka, Siyaasada iyo Dhaqaale kale ah iyagoo ku soo koobay lix(6) Qodob oo nuxurkeedu yahay: “Saami-Qaybiska Kuraasta Golaha Wakiilada, xeerarka Diwaangelinta iyo doorashoyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, Diwaangelinta Codbixiyayaasha, Is-Fahan la’aanta Asxaabta iyo joojinta wadashaqeynta xisbiga wadani iyo komoshanka doorashooyinka qaranka iyo Dhaqalaha oo aan Dhamaystirnayn”.

markuu daraasadeeyey dib-u-dhicii guud ahaan dooraashooyinka jamhuuriyada Somaliland muddadii ay jirtay ee 27 sanno ah, Gaar ahaana Doorashada Golaha Wakiilada oo aan marnaba inta ay somaliland jirtay wakhtigeedi ku qabsoomin, loona sameeyey muddo koradhsiimo qeyral sharci ah oo tiraba loo kordhiyey Golaha Wakiilada Sideed(8) Jeer, Laga soo bilaabo sanadkii 2002, 2003, 2005, 2010, 2013, 2015, 2017 iyo tan maanta komishanku warsaxafeedka ku sheegaan.

sidoo kale waxa iyana la mid ah  Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka oo aan ku qabsoomin wakhtigeeda iyadoo tiraba la kordhiyay muddo ku dhow (5 ) Jeer ah. oo Golaha deegaanka hadda muddo xiloodkoodu dhamaanayo ay tani noqonayso  Mudadiid labaad ee doorashadoodu dib-u-dhacdo.

sidoo kale waxaa jirtay in doorashooyinka madaxtooyada ee xiliyadii madaxweyne Riyaale iyo Siilaanyo uu dib-u-dhac ku iman jiray Qabsoomida doorashada Madaxtooyada. taasi oo noqotay mid la caataystay in doorasho kasta xiligeeda dib uga dhacdo  islamarkaan aan la ixtiraamin mas’uuliyadaha iyo waajibaadyada Dastuuriga ah iyo hanaanka Dimoqurayadeed, maamul-wanaag, xil-gudasho, ee uu jideeyey Dastuurka qaranka Somaliland.

Ururka qareenadu markuu Darsay sababaha ay doorashooyinka dib-ugu dici jireen gaar ahaan Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo intooda badan ahaa sobabo isku mid ah, oo aha kuwan ay hadda komishanku ku sababaynayaan in ay dib-ugu dhacayso Qabsoomida Doorshada Golaha Wakiilada JSL oo ah abuuristii ama dejintii xeerka doorashada golaha Wakiilada ee saamiga-qaybsiga kuraasta Goboladda oo ka mid sababaha   mar kasta ay doorashada Golaha Wakiilada dib ugu dhacdo.

Ururka qareenadu markuu arkay qodobka 37AAD ee dastuurka Qaranka JSL, oo abuuraya nidaamka isla-xisaabtanka iyo Waajibaadyada Madax-banaanida xil-Gudashada  Waaxyaha Qaranka, oo midwalba Dastuurku jamhuuriyada somaliland u gaar yeelay si madaxbanaan in ay u gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah, oo ay waaxiba waaxda kale kula xisaabtanto xil-gudashadeed. iyadoo qaabdhismeedka waaxaha Qaranka u dhisan yahay sidan:“Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”.

Sidoo kale markanu eegnay  Qodobadaka 56AAd iyo 96AAD ee Dastuurka Qaranka JSL, oo ka hadlay  awooda isla-xisaabtanka waaxa Qaranka oo waax waliba waaxda kale  ay xilka kaga Qaadayso, markay dhacdo xil-Gudasho la’aan ama waajibaad dastuuri ah waaxi gudan waydo, taasi oo ah nidaamka sharci ee dastuurka qaranka jamhuuriyada somaliland u jideeyey hab-dhaqanka iyo dhismaha dawladnimo oo aan lagu shaqayn, islamarkana ay muuqato in  hay’adihii isla xisaabtami lahaan ay dhacdo in ay midiba mida kale u kordhiso muddo xileedkeeda, isla-xisaabtankiina meesha ka-baxo, dadweynahan loo heshiiyo.

waxaana nasiib, darro ah in wakhtiyada badnaa ee doorashooyinka somaliland dib u dhacayeen, maalin qudha dadweynah loo sheegin cida leh, mas’uuliyadda dib-u-dhaca doorashada, iyadoo ay cadahay in markasta doorashadu dib-ugu dhacdo waajibaad dastuuri ah oo ay xil-gudashadiisa lahayd waaxaha kamida waaxaha  qaranka Balse aan la sheegin, in la garto oo bulshada loo iftiimiyaan waaxda waajibaadka dastuuriga ah gudan wayday taasina  ay tahay waajib saaran Hay’adaha qaran gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo leh mas’uuliyada kowaad ee qabashada doorashooyinka.

sidaa darteed ururka qareenada somaliland ee SOLLA wuxuu warsaxaafadeedkan ku cadaynayaa

  • in dib-u-dhaca doorashada uu yahay xil-gudasho la’aan hay’adaha qaranka taasi oo go’aanadii golaha guurtida ee muddo kordhimihii hore sababihii ku cadaa e muddo xileedka hadda dhamanaya lagu kordhiyey haddana manta mar 4 afraad lagu kordhinayo taasina ay muujinayso inaan xil la iska saarin dhamaystir caqabadahan mar walba doorashada dib u dhigaya in la xaliyo, kuwaasi oo ay kamid ahayeen xeerka doorashada Golaha Wakiilada ee Saami-Qaybsiga Kuraasta Gobolada oo ahayd in la diyaariyo oo aan la diyaarin, tiraba 3 ilaa 4 jeer ay doorashada Golaha Wakiiladu dib ugu dhacday.
  • in warsaxafadeedka komishanka ee dib-dhaca doorashada aanu ahayn mid sharciga waafaqsan. wakhtiga ay ku dhawaaqeena aanu ahayn wakhti ku haboon, xeer ahaana ay waajib ku tahay komishanka in ugu yaraan lix(6) bilood ka hor ku dhawaaqaan liiska codbixiyayaasha sida ku cad qodobka 7AAD ee xeer L/R 37. dib-u-dhaca la xidhiidha diwaangelinta codbixiyayaasha ee maanta sheegeenna uu waajib ku ahaa inay sheegaan muddo ka hor, lix bilood ka horna soo gudbiyaan liiska codbixiyayaasha, taasina ay tahay mas’uuliyad darro iyo dayaacaad Xil oo katimid komishanka doorashooyinka JSL
  • waxaa cad in dib-udhaca doorashada tahay xil-gudasho la’aan katimid Xukumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Golaha Wakilada JSL. iyaga dhexdooduna ay tahay in bulshada u iftiimiyaan una cadeeyaan cida waajibaadkeedi dastuuriga ahaa gudan wayday ee sobabtay dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiilada JSL iyo Golayaasha deegaanka taasi oo dastuur ahaan waajib ahayd in la isla xisabtamo waaxyaha qaranka midiba mida kale kula xisaabtanto waajibaadkeda . wakhti xaadirkana looga fadhiyo in ay cadeeyaan cida sobabtay dib u dhaca doorashada
  1. Ururka qareenadu wuxu cadaynayaa sharci ahaan in aanu jirin waajib dastuuri ah oo ka saaran xisbiyada qaran qabsoomida doorashada, Xisbiga Wadani ayaa diiday qabsoomida doorashaduna ee ay komishanku ku dareen sobabaha dib-u-dhaca doorashaduna maah cudur daar sharci ah, oo doorashada dib-loogu dhigi karo, Mana aha in la baahiyo mas’uuliyadaha uu dastuurku cid u gaar yeelay. Xisbiyada Qarankuna umadda xil uma hayaan, oo ma soo galayaan nidaamka isla-xisaabtanka waaxyaha dawladda mana aha in lagu sobabeeyo dib u dhaca doorashada.

ugu danbayn, waxaan soo jeedinaynaa

 

  • in xubnaha komishanka doorashooyinku is-casilaan, madaamay ay waajibaadkooda qaran gudan waayeen.
  • in xukumada iyo golayaasha qaranku bulshada u cadeeyaan cida sobabtay dib u dhaca doorashada ee waajibaadkoodu dastuuriga ahaa gudan wayday.
  • in xukumada iyo golayaasha qarankuba soo celiyaan nidaamka isla-xisaabtanka dastuuriga ah ee ku xusan qodobada 37AAd, 56AAD iyo 97AAD.

 

ALLah     Mohad   Leh 

 Mohamed Mohamoud Hashi 

Guddomiyaha Ururka qareenada Somaliland e SOLLA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here