Nuxurka War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirweynihii Dhalinyarada Somaliland Oo Lasoo Gabogabeeyay.

0
866

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirwaynaha dhalinyarada somaliland oo ay soo qabanqaabistay Dalada dhalinyrada somaliland ee SONYO mudo laba cisho ah ka socday caasimada hatgaysa ayaa lasoo gabogabeyay iyadoo laga soosaaray        war murtiyed .
Anagoo ah, Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland, ee ka qayb-gashay Shir-weynihii Dhallinyarada JSL, ee ka dhacay magaalada Hargeisa, ee Caasimada JSL, bishan December 10keedii iyo 11keeda , 2014, waxa aanu salaan, bogaadin iyo bariido diiran u diraynaa dhammaan Dhallinyarada JSL meel ay joogaanba. Waxa aanu ummaddeena u rajaynaynaa badhaadhe, barwaaqo, cadaalad deeqda iyo horumar is-gaadhsiisan.

Shir-weynaha Dhallinyarada JSL, waxa uu ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay iskugu yimaadaan dhallinyarada JSL.Waxa ka soo qayb galay 3,450 oo dhallinyaro ah iyo 1,000 qof oo kale oo ah daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada iyo horumarkooda oo ka kala socda gobollada JSL oo dhan.

Ujeedada Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa ay ahayd in dhallinyarada JSL ka wada hadlaan dhammaan dhibaatooyinka waaweyn ee haysta dhallinyarada JSL sida shaqo la’aanta, tahriibta, waxbarashada iyo tayo-galinteeda, ganacsi abuurista dhallinyarada, isku xidhka iyio is dhexgalka dhallinyarada, ladagaalanka balwadaha, ladagaalanka qabyaaladda IWM. Sidoo kale, Shirku waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in ay dhallinayarada JSL ka qayb-galaan dhammaan hay’adda waaweyn ee go’aamada dalka lagu gaadho si codka dhallinyarada JSL uga muuqdo.

Shirku waxa uu doodo waaweyn ka galay sidii loo dabar-goyn lahaa kala qoqobnaanta dhallinyarada iyo la-dagaalanka qabyaaladda, oo shirku u aqoonsaday aafo qaran oo mudan in la dabargooyo.

Shir-weynuhu waxa uu xoogga saaray in ay dhallinyarada JSL abuurato shaqooyin, noqdaana kuwo iskood u shaqaysan kara balse waxa ay mudan yihiin in ay helaan fursado dhaqaale iyo taageero farsamo.

Shir-weynuhu waxa uu cambaareeyey Masiibada Tahriibta iyo dhammaan sil-siladaha aboolayaasha ah ee ku macaasha dhiigga iyo surmiga labeenta dhallinyarada JSL ee ay marsiiyaan silica iyo kulaylka saxaraha.

Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu u dhacay si qurux badan, habsami leh oo ay ka muuqato ilbaxnimo, aqoon iyo karti dhallinyaro oo aad u sarraysa.Shirku waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan qaban-qaabiyayaashii iyo hay’adihii taageeray ama gacanta ka gaystay qabsoomida Shirka.

SHIR-WEYNAHA DHALLINYARADA JSL WAXA UU SOO JEEDIYEY TALOOYIN: (RECOMMENDATIONS FOR ACTION)

Qadiyada Madax-bannaanida iyo Jiritaanka JSL

– Dhallinyarada JSL waxa ay bulshada adduunka u cadaynayaan in Jiritaanka iyo Madax-bannaanida JSL ay tahay muqaddas, lama-taabtaan ah, gor-gortana aan gali karin.

– Dhallinyarada JSL waxa ay u caddaynayaan bulshada caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland tahay xaqiiqo ka jirta Geeska Africa iyo Qaaradda Africa oo aan la iska indha tiri Karin.Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xal u yahay nabad kuwada noolaanshaha bulshooyinka iyo wadamada Geeska Africa iyo Qaarada Africa. Sidoo kale, waxa ay ku taal marin biyood muhiimad gaar ah u leh isku socodka adduunyada. Sidaas darteed, Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu u soo jeedinayaa bulshada caalamka in ay kataliyaan aayaaha iyo nabad-galyada Geeska Africa iyo Qaarada Africa iyo adduunkaba, Qadiyada JSL ay tixgaliyaan.

Shaqo abuurka Dhallinyarada JSL:

– Shir-weynuhu waxa hoosta ka xariiqay in Dhallinyarada JSL leeyihiin, una dhasheen karti iyo hal-abuurnimo ganacsi oo mudan in la taageero, lagana faa’iideeyo. Sidaas darteed, shirku waxa uu soo jeediinayaa in la abuuro fursado dhaqaale oo dhiiri-galin kara in ay dhallinyarada JSL iskood u abuuran karaan shaqo.

– Shir-weynaha JSL waxa uu dhiirri-galinayaa in la abuuro hay’ado (Institutions) iyo Sanduuq Qaran oo maal-galin siin kara hal-abuurka iyo fikiradaha ganacsi ee dhallinyarada JSl. Shir-weynuhu waxa uu soo jeediyey in la hawl-galiyo Sanduuqii Horumarinta Dhallinyarada JSL, loona maamulo si ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.

– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in dhallinyarada JSL loo fududeeyo shatiyada iyo liisamada ganacsi, sidoo kale la dhimo cashuurtooda marka ay dhallinyaro timaado.

– Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xukuumada iyo Goleyaasha Xeer-dajinta JSL inay sameeyaan qaab-qanuuni ah (legal and policy framework) oo keeni kara maal-gashi gudeed iyo mid dibadeed oo hor leh kaasoo horseedi kara horumar dhaqaale.

– Shirweynuhu waxaa ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha koboca dhaqaale inay gacmaha isqabsadaan, kana wada hawlgalaan sidii dhaqaalaha waddankeedu u kobci lahaa loona abuuri lahaa shaqooyin hor leh. Shirweynuhu waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay sii libin-laabto dedaalada lagu dhiirigalinayo maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo hormarinta warshadaynta (Agriculture and Industrialization).

– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la dhawro xuquuqda fikirka ganacsi ee qofka (Patent), si loo dhiirigaliyo hal-abuurnimada ganacsi ee dhallinyarada JSL.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro mashruuca waayo-aragnimo iyo khibrad-siinta dhallinyarada ee Qaran (National Internship Program).

 

Tayeynta Waxbarashada iyo Dar-dargalinta Wadaniyada:

– Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa in JSL aqbashay Qaraarkii Caalamiga ahaa ee khuseeya waxbarashada aasaasiga ah in bilaash laga dhigo.

– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in la isku miisaamo waxbarashada iyo xirfadaha ay bixiyaan Jaamacadaha dalka ku yaal iyo xirfadaha uu u baahan yahay suuqa shaqada ee JSL, maadaama ay jirto hadda baahi badan oo suuqa shaqadu u qabo xirfado gaar ah.

– Shir-weynuhu waxa uu si xoog leh u soo jeedinayaa in la abuuro, dibna loo dhiso Dugsiyadii Farsamada Gacanta ee Dalka oo haataan aad u yar.Shir-weynuhu waxa uu aad u dhiiri-galinayaa xirfadaha gacanta oo uu u arko in ay abuuri karaan shaqooyin badan.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in Manhajka JSL dib loo eego, lana xoojiyo si uu u soo saari karo qof muwaadin ah oo aqoon fiican u leh dalkiisa hooyo, sidoo kaleleh karti aqooneed oo hufan oo uu ku tartan gali karo gudaha dalka iyo dibadiisaba.

– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa in manhajka JSL lagu daro xiisado ka hadla wadaniyada iyo wadanka JSL miisaankiisa iyo qaninimadiisa si dhallinyarada JSL u barato dalkooda hooyo.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in technology-da lagu barto dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalkeena.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in macalimiinta la siiyo tababaro lagu kobcinayo xirfadooda macalinimo.

Tahriibta Dhallinyarada JSL:

–  Shir-weynuhu waxa uu u arkaa Tahriibtu in ay tahay masiibo qaran oo mudan in si qaran looga arinsado, looguna guntado xalkeeda.

– Shir-weynuhu waxa uu cambaaraynayaa dhammaan dadka ku lugta leh arrimaha tahriibka dhallinyarada JSl iyo sil-siladaha aboolayaasha ah ee ku macaasha dhiiga iyo xinjiraha dhallinyarada JSL. Waxa uu ugu baaqayaa in Xukuumada JSL gacan bir ah ku qabato kooxahaasi, iskaashi fiicana kala samayso dawladaha jaarka.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la helo xog-cilmi ah oo sugan oo laga diyaariyo xal u helista qaran ee tahriibta iyo qaababka ugu sahlan ee xalka loogu heli karo.Sidoo kale, Shirweynuhu waxa uu dhammaan goleyaasha qaranka ugu baaqayaa inay sameeyaan isla markaana ay dhaqan-galiyaan xeer lagula dagaalamo ka-ganacsiga dadka (human trafficking).

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in dhallinyarada loo sameeyo goobo ay ku mada-daashadaan (recreational centers), wax ku akhristaan (Libraries) iyo garoomo ay ku ciyaaraan.

Maandooriyayaasha iyo Balwadaha Dhallinyarada:

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in si xoogan loola tacaalo la dagaalanka maandooriyayaasha iyo balwadaha ragaadin kara awooda iyo maskaxda dhallinyarada.

– Shir-weynuhu waxa uu u aqoonsaday Qaadka iyo Sigaarku in ay yihiin maandooriyayaal iyo balwado liita oo aafeeyey in badan oo dhallinyarada JSL ah, una baahan xal qaran oo suga mustaqbalka maan dhallinyaro oo ka fayow balwadahan xun-xun.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in  la yagleelo qaab-qaanuun oo lagula tacaalo isticmaalka xad dhaafka ah ee qaadka.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in cashuurta laga qaado Qaadka iyo Sigaarka dalka soo gala kor loo qaado, saami go’ana loo saaro xalinta dhibaatooyinka qaadka iyo sigaarku u gaysto dhallinyarada JSL.

– Shir-weynuhu waxa uu soo jeedinayaa in la abuuro xarumo lagu dhaqan celiyo dhallinyarada ka waantooba aafada balwadaha.

La-dagaalanka Qabyaalada,IlaalintaMidnimada Qaranka iyo Dhiiri-galinta Isku Xidhnaanta Dhallinyarada JSL:

– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu ku tilmaamayaa qabyaaladu in ay tahay wax liita oo nabarku ah xadaarada, ilbaxnimada iyo fac-weynaanta ummada JSL, mudana in dagaal rasmi ah lala galo. Shir-weynuhu waxa ugu baaqayaa dhallinyarada JSL iyo dhammaan dadweynaha JSL in ay ka fogaadaan wax kasta oo dalka iyod dadkiisa kala qoqobaya oo ay ugu horayso qabyaaladu.

– Shir-weynuhu waxa uu dhiiri-galinayaa isku xidhnaanta, midnimada, is dhex-galka iyo is-taageersiga dhallinyarada JSL.

– Shirweynuhu waxaa uu ku baaqayaa in si wadajir ah loo wajaho loogana tashado samaynta salaadiin iyo cuqaal cusub wakhtiyada doorashooyinka lagu jiro, taasoo keenta kala tafaraaruq hor leh iyo midnimo darro bulsho. Shirweynuhu waxa uu ku baaqayaa in laga arrinsado sidii loo samayn lahaa Xeerkii Dhaqanka JSL kaasoo si weyn u habayn lahaa doorka masuuliyiinta dhaqanka.

Ka qayb-galka Dhallinyarada ee Siyaasada iyo Go’aanada dalka:

– Shir-weynuhu waxa uu ammaanayaa ka qayb-galka dhallinyarada ee Siyaasada dalka, waxa aannu hambalyaynayaa xubnaha badan ee ka tirsan goleyaasha qaranka ee kala gadisan sida golaha xukuumada, Waaxda Garsoorka iyo Caddaalada iyo Goleyaasha Deegaanka iyadoo uu Shirweynuhu dhammaan dhallinyaradaas xasuusinaayo in ay u yaalaan waajibaad iyo hawlo hor leh isla markaana ay horseed u yihiin, da’yarta kale ee badan eek u taamaysa inay tallada iyo hoggaanka dalkooda ka qaybgalaan. Sidaas daraadeed, Shirweynuhu waxa uu carabka ku adkaynayaa in mas’uul kasta oo dhallinyaro ahi xilka uu doono ama doonto ay hayee inuu habeen iyo maalinba u dedaalo una halgamo sidii uu ugu sifoobi lahaa hufnaan shaqo, dedaal iyo karti iyo doonis iyo daacadnimo xooggan isla markaana uu kaashado Illaahay (SWT), kuna talo-galo inuu taariikh wanaagsan ka tago.

 

 

Dhallinyarada Naafada ah:

– Shir-weynaha Dhallinyarada JSL waxa uu si xoogan u dhiiri-galinayaa in taageero gaar ah la siiyo dhallinyarada JSL ee naafada ah ama laxaadkoodu dhammayn marka ay timaado waxbarashada, shaqo taga, ka qayb-galka siyaasada iyo go’aanada dalka nooc kasta oo ay noqoto.

 

Ka Qayb-galka Talada Dalka iyo Haweenka, Dhallinyaradda iyo Bulshada la haybsooco:

–          Shirweynuhu waxa uu taageero u muujinayaa isla markaana dhiiri-galinayaa ka qayb-galka haweenka iyo bulshadda la haybsooco markay timaado tallada iyo siyaasadda dalka. Shirweynuhu waxa uu ku talinayaa in la ansixiyo lana dhaqan-galiyo kootada haweenka ee ka qaybgalka siyaasada. Shirweynuhu waxa kale oo uu ku talinayaa in xilweyn la iska saaro horumarinta addeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada la hayb-sooco sidoo kalena ahmiyad weyn iyo tixgalin xoog leh la siiyo sidii bulshadaasi ay saami ku filan uga heli lahaayeen saaxada siyaasadda Somaliland, sida axsaabta qaranka, goleyaasha qaranka iyo hay’adaha kala gadisan ee dalka.

 

Bulshada Caalamka:

– Shir-weynuhu waxa uu ugu baaqayaa Bulshdadda Caalamka iyo dalalka qaadhaan-bixiyeyaashaba inay tixgaliyaan wajiga horumarinta ah (development stage) ee ay Somaliland ku jirto sidaas daraadeedna ay cadaalad ka sameyso deeqaha la siiyo Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyadii wadaaga ahayd ee burburtay ee Somaliya.

– Shir-weynuhu waxa uu ku faanayaa in Jamhuuriyada Somaliland macaamil iyo iskaashi xoogan kala samaysay bulshada Caalamka arimaha nabad-galyada, la-dagaalanka budhcad-badeedka iyo sugida wada-noolaanshaha wadamada Geeska Africa. Shir-weynuhu waxa uu u soo jeedinayaa bulshada caalamka in ay dareen dhaw u yeeshaan kaalintaa muhiimka ah ee Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto nabadda Geeska Afrika iyo ta Adduunkaba.

– Shirweynuhu waxaa uu ku tallinayaa in la kordhiyo kaalinta ay Sanduuqyada Maalgalinta Caalamiga ahi ka qaataan kobcinta iyo horumarinta dhallinyaradda. Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa Sanduuqyada Maalgalineed ee SDF, Multi-partner Trust Fund (MTF) iyo Hanaanka Gaarka ah ee Somaliland (Somaliland  Special Arrangement of the New Deal Compact).

– Shirweynuhu waxa uu ku dhiiri-galinayaa dhammaan hay’adaha caalamiga ah inay ka taageeraan dhallinyaradda Somaliland sidii ay uga qaybgali lahaayeen fagaarayaasha caalamiga ah.

– Shirweynuhu waxa uu ku dhiiri-galinayaa jaaliyadaha reer Somaliland inay kordhiyaan iskaashiga iyo midnimada si loo helo bulsho horumarsan, wacyigashan kuna baraarugsan baahiyaha iyo ujeedooyinka dalkooda isla markaana si nabdoon oo toolmoon ula noolaada dalalka ay martida u yihiin.

Mustaqbalka Somaliland iyo Rajo-galinta Dhallinyaradda:

–          Shirweynuhu waxa uu dhammaan da’yarta dalka ugu bushaaraynayaa in dalkoodu yahay mid dihin oo mustaqbalkiisuna iftiimayo, iyadoo uu shirweynuhu da’yarta xasuusinaayo guud ahaan nicmooyinka dalkooda Illaahay (SWT) ku manaystay. Waxaa sidoo kale uu Shirweynuhu kula dardaarmayaa dhammaan da’yarta Jamhuuriyadda Somaliland inay u istaagaan, u dhididaan una halgamaan sidii waddankoodu u noqon lahaa mid ugu dambeyn ku guulaysta inuu ka faa’iidaysto kheyraadkiisa tirada iyo tayada badan isla markaana hela dawladnimo taam ah oo leh aqoonsi caalami ah iyo sidoo kale caddaalad, cudud iyo cilmi uu ku hoggaamiyo asaagiisa dunnida kula uuman.

 

Allaa mahad leh.Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto, Hana gaadho badhaadhe iyo barwaaqo is-gaadhsiisan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here