Muxuu Ka Yidhi Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde Xilka Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay?

0
905
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maanta ka hadlay sida uu u arko xilka cusub ee uu madaxwaynaha Somaliland u magacaabay habeen hore kaas oo ah inuu noqdo la taliyaha gaarka ah ee madaxwayne Siilaanyo.

Waxaana Mudane Cali Waran-cadde uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xilkaasi uu madaxwaynuhu u magacaabay isaga oo sidoo kalena Meesha ka saaray warar sheegaya in uu saluugsan yahay xilka cusub ee madaxwaynuhu u magacaabay isla markaana uu iska casilay.

Waxaana Ex Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo arrimahaasi ka hadlaya uu yidhi sida tan

“Waad ogtihiinoo habeen hore madaxwaynuhu wuxuu sameeyey isku shaandhayn xukuumaddiisa ah,markaa waxaan maqlayay iyadoo warbaahinta qaar oo qoreysay in aan diiday xilka cusub ee madaxwaynuhu ii magacaabay ee ah la taliyihiisa gaarka ah markaa waxaan doonayaa inaan ka qanciyo bulshada,anigu waxaan qabaa dareen ah in warbaahinta waxaa qoreysay ay ila doonayeen meel sare balse anigu garan mayo meel aan madaxwaynaha u dhaafee madaama aan la taliyihiisa gaar ka ah ahay ma garnayo Meesha kasii saraysa ee ay ila doonayaan.”sidaas ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Cali Waran-cadde isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Runtii madaxwaynuhu wuxuu I magacaabay inaan noqdo la taliyihiisa gaarka ah oo ah runtii xil ku cusub iminka dawladeena muhiimadeeda iyo awoodeedana leh arrinkaasina waan la qaatay madaxwaynaha”sidaas ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Sidoo kale Cali Waran-cadde waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in aanay jirin warar sheegaya inuu isagu diiday inuu qabto xilkii uu hore madaxwayne Siilaanyo u magacaabay ee ahaa inuu noqdo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya,waxaana uu Carabka ku dhuftay in xilkan hadda loo magacaabay ay ka wada muhiimsan tahay xilalkii hore loogu magacaabay.

Gabagabadiina hadalka  maanta kasoo yeedhay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo if baxayeen warar sheegaya inuu qaadacay inuu qabto xilka uu habeen hore madaxwayne Siilaanyo u magacaabay ee ah la taliyaha gaarka ah ee madaxwaynaha.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here