Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed Ee Dalka Ku Hogaamin Doono

0
1097

Burco, (HargeisaPress) —Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa soo bandhigay barnaamijka siyaasadeed uu wax kaga qabanayo dalka hadii uu ku guulaysto doorashada.

Murashax Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey kulan dadweyne oo uu la qaatay bulshada magaalada Burco ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada dhaqaale ee somaliland.

Ugu horayn murashax Faysal oo ka hadlaya barnaamijkiisa siyaasadeed ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu samaynaynaa dawlad loo wada dhan yahay oo anagu mucaarid dambe yeelan mayno, waxaanu doonaynaa inaanu sadexda xisbi ka samaynayo dawlad midnimo qaran ah, waxaana loo midoobayaa inaynu ictiraaf helno, inaynu dadkeena midayno iyo inaynu dalkeena horu mar u keeno, waxaanu doonaynaa inaanu tacliinta bilaash ka dhigno ilaa heer jaamacadeed, waxa kale oo aanu doonaynaa inaynaan ku tiirsanaan xoolaha oo kaliya balse aynu samayno meelo kale oo dhaqaale inaga soo galo oo aynu beenyada dirno, cadarka ugu qaalisan aduunka beenyada ayaa laga sameeyaa, beeraheena inaynu beerno ayaanu doonaynaa, Gabiley Iyo Boorama waa meelaha biyaha wabigu ku soo fataho waana dhul beereed.”

Murashax Faysal ayaa sheegay inay samayn doonaan sharciga dhulka oo haatan aan jirin waxaanu yidhi “Sharcigii dhulka ayaanu soo saaraynaa, waana la joojinayaa maayar dambe oo intuu meel xar xariiqo dadka ka iibiya, qolada nool imika ee tidhaahda mujaahidiin ayaanu nahay waxaan leeyahay waar mujaahidiintii way dhimatay.”

Murashax Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay xaalada dhaqaale ee dalka waxaanu yidhi “Markii ugu horaysay somaliland ayaan ilaa maanta mushaharkii la bixin, waxaana dhacay in xoolihii istaageen, ganacsigeeni itoobiya gali jiray isbaaro ayaa laynoo dhigtay oo dadkii Tog Wajaale xoolahooda gayn jiray waa laga mamnuucay, halkii aynu laba doolar ka heli jiray dakhligeena maanta afartan santi ayeynu ka helnaa, lacagtii xawaaladaha oo iyaduna way yaraatay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here