Maxkamadda Sare Oo Toddobaad Gudihii Ku Soo Saaraysa Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada

0
1064
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbiyey Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku guuleysteen Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddiga Doorashooyinka ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay in Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay Xilka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ku kala guuleysteen Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici isla-markaana 55% iyo dheeraad ka heleen Codadkii laga dhiibtay Doorashada.

Laakiin, maaddaama oo Natiijada Komiishanku ku dhawaaqay ay ahayd natiijo ku meel-gaadh ah, ayaa Guddigu waxay Maxkamadda sare Shalay u gudbiyeen Natiijadaasi, si ay Maxkamaddu ugu dhawaaqdo Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u xaqiijiyey in Guddiga Doorashooyinku ay Shalay ahaan u soo gudbiyeen Natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay ku dhawaaqeen, si Maxkamadduna u xallaalayso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay inay Muddo 7 Maalmood ah ku soo saari doonaan Natiijada rasmiga ah ee Doorashada, maaddaama oo Dastuurku Muddadaa u ogol-yahay.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashada, waxayn sheegeen in Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE oo kala ah Xilka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xilka Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici ay Doorashadaa ka heleen 305,909 Cod oo u dhiganta 55.19%, Musharraxiintii Xisbiga WADDANI ayaa iyaguna Doorashada ka helay 226,092 oo u dhiganta 40.73%, halka Musharraxiintii Xisbiga UCID-na Codadkii laga dhiibtay Doorashada ka heleen 23,141 oo u dhiganta 4.17%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here