Maxay Noqon Talaabada Uu Madaxwayne Siilaanyo Ka Qaadi Doono Xubno Ka Tirsan Xukuumaddiisa Oo Lagu Soo Eedeeyey Musuq-Maasuq Warbaahintana Uu Ka Dheehday Maanta + SAWIRRO ?

0
1614
Madaxweynaha oo Saxaafada akhrinayey warar xasaasi ah oo sheegaya in wasiiro iyo agaasimayaal ka tirsan xukuumaddiisu ay ku kaceen fal musuq-maasuq

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta markii uu ka duulayey madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airpot isla markaana uu kusii jeeday dalka Ingiriiska ayaa madaxwaynuhu intii aanu dhoofin ee uu sugayey diyaaradii qaadi lahayd waxa uu fadhiistay qolka nasashada ee madaarka magaalada Hargeysa ee VIP.

Waxaana uu madaxwaynuhu intii uu sugayey diyaaradda hal mar uun la arkay kamaradaha warbaahinta la joogtayna ay qabteen madaxwaynaha Somaliland oo akhrinaya warar xasaasi ah oo ay qoreen qaar kamida warbaahinta gaar ahaana joornaalada kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Waxaana joornaaladan uu akhrinayey madaxwaynuhu qaarkood ku qornaa warar xasaasi ah oo sheegaya in wasiiro iyo agaasimayaal ka tirsan xukuumaddiisu ay ku kaceen fal musuq-maasuq isla maraana ay cuneen oo ay iibiyeen dhul ay lahayd wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland,talaabadan oo lagu eedeeyey in ay ku kaceen Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda Cali Dhagoole.

Waxaana la arkayey madaxwaynaha oo aad u akhrinaya wararkaasi xasaasiga ah ee ay soo bandhigeen warbaahintu ee ku saabsan musuq-maasuqa.

Lama garan karo talaabada uu ka qaadi doono madaxwayne Siilaanyo labadan masuul ee falka musuq-maasuqa ah lagu soo eedeeyey hadii ay dhab noqdaan marka uu kasoo noqdo safarkaa uu ku tagay dalka Ingiriiska,waana markii u horeysay ee ay kamaradaha warbaahintu qabtaan madaxwayne Siilaanyo oo akhrinaya wararka ay qoraan qaar kamida warbaahintu.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here