Madaxweyne Biixi oo Kormeeray Rugta Kutubta Berbera + SAWIRRO

0
891

Berbera, (HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta cusub ee wax Akhrista ee magaalada Berbera, waxana uu indho-indhayn kooban ku sameeyey qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka samaysan tahay iyo buugaagta kala duwan ee halkaas taalla oo loogu talo galay inay aqoonyahanka iyo da’yarta reer Berbera akhtistaan.

Madaxweynuhu waxa uu warbixin ku saabsan xarunta iyo sida ay wax uga tartay baahidii wax Akhris ee magaalada ka dhegaystay Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Ciddin oo isagu kaalin weyn ka geystay hirgelinta dhismahaas, waxana uu indhiisa ku arkay buugaagta cilmiga ah ee madashaas taalla iyo waaxaha loo asteeyey inay wax ku arkhristaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladu.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here