Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Somaliland iyo Shucuubta Islaamka Dhambaal Hambalyo Ah U Diray

0
946

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibadaCiidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

 

 

Aamiin              Aamiin              Aamiin

 

 

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

 

Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here