Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta taagan Buurta Carrafo iyo Kulaylka Cadceeda

0
890

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maanta oo ah maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa Buurta Carrafo Maanta taagan malaayiin qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala yimid dacallada Adduunka islamarkaana guddanaya waajibaadka Xajka.

 

Saaka ayaa waxaa Buurta Carrafo u dareeray sannadkan 3-milyan oo qof oo ay ku jiraan Xujey Soomaali ah oo caalamka dacaladiisa ka kala yimid, iyadoo maanta oo dhan ay dadkan taagnaa-nayaan cad-ceedda kulul.

 

Safiirka Somaliland ee arrimaha Xajka, Ambasador Axmed Safiina ayaa farriin kooban oo uu bulshada kula wadaagay bartiisa Facebook sidan ugu cabbiray kulaylka maanta “Waxaanu joognaa carafa oo kulayl ah. mido 30 sanadood ah waa carafadii u kululayd. Dhammaan asxaabtayda qaaliga ah wan idiin soo duceeyay  idina soo duceeya.”

 

Xujeyda ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

 

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidamadaha Islaamka.

 

Ugu dambeyn, xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka uu ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

 

Sannadkan wuxuu Xajku kusoo beegmayaa xilli ay ka dhacday Mashaqo Masjidka Xaramka, kaddib markii uu ku dushay wiil ka mid ahaa kuwa dhismaha ka waday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan boqol xujey ah.

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here