Madaxweynaha Jabuuti oo gaadhay Magaalada Muqdisho + SAWIRRO

0
1200

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaagaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka dhaxeeyo xirii dhinacya badan oo ay ka mid tahay dhiig iyo dhaqan, waxayna booqashada Madaxweyne Geelle ee Muqdisho la filayaa iney sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee labada dal.

Waxaana la filaya Mr Geelle inta uu booqashada ku jooga Soomaaliya uu xukumadda Farmaajo uu kala hadli doono arrima la xidhiidho amniga, siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here