Xisbi Siyaasadeed CAHDI Oo Dalka Morocco Kaga Qayb Galay Shir Caalamiya

0
1218

‏ RABAT, (HargeisaPress)- Xisbi siyaasadeedka CAHDI oo ka mid xisbi-siyaasadeedyadda ka jira dalka Soomaaliya ayaa dalka Maroco   ka qayb galay  shir caalamiya oo  ay isugu yimaadeen in ka badan 50 xisbi siyaasadeed oo ka mida kuwa ka jira wadamadda Carabta iyo Afrika.

Shirkaasi ayaana ka qabsoomay  magaaladda Mureshas ee  dalka Morocco, ayaa lagu falan qeeyay arrimo la xidhiidha sidii ay xisbiyadda siyaasadda ee wadamadda Afrika iyo Carabta xidhiidho iyo iskaashi u yeelan lahaayeen.

Cabdalle Axmed Ibraahim (Af-waranle), oo ka mida xisbi-siyaasadeedka CAHDI oo shirkaas ka qayb galay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii shirkaas lagaga hadlay.

Waxaanu sheegay in uu kulamo la yeeshay wufuudii kala duwanaa ee shirkaas ka soo qayb galay.

Halkan Ka Daawo Warkaasi

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here