Madaxwayne Siilaanyo Oo la Filayo Inuu Safar Ku Tago Dalka Djibouti Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Xogo Laga Helay

0
1465
Madaxwayne Siilaanyo Oo la Filayo Inuu Safar Ku Tago Dalka Djibouti

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” la filayo inuu badhtamaha Todobaadka danbe safar ku tago dalka Djibouti.

Si cadd looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Djibouti balse xogo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland uu u tagayo marti qaad uu ka helay dhigiisa Djibouti  iyo  arrimo salka ku haya xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Djibouti, iyada oo sidoo kalena xoguhu sheegayaan in madaxwaynaha Dalka Djibouti uu kala hadli doono arrimo la xidhiidha Saldhiga Milateri ee dawladda Imaaraaddka Carabta laga siiyey magaalada Berbera iyo arrimo khuseeya nabadgaliyada labada dal.

Dhinaca kale waxa iyagu shalay safar ku tagey dalka Jabuuti wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtida,waxaana la filayaa in wasiiradaasi ay gogol xaadh usii yihiin safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Djibouti.

Mar aan isku daynay in aan safarkan madaxwayne Siilaanyo ku tago dalka Jabuuti wax ka waydiino afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Dayr ayaanay noo suurto galin cillad dhanka telefoonkiisa gacanta ah awgeed.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here