Agaasimaha Cusub ee Dallada SONYO oo Si Rasmiya ugala Wareegay Agaasimihii Hore

0
1714

Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha cusub ee dalada dhalinayrada Somaliland ee SONYO Cumar Cismaan Miigane ayaa xilkii ururkaas kala wareegay agaasimahii hore Siciid Maxamed Axmed oo lixdii sano ee ugu danbeeyay agaasime ka ahaa SONYO.

Xaflad balaadhan oo loo qabtay xilwareejintan waxa ka soo xaadiray inbadan oo ka mid ah ururada hoostaga dalada dhalinayra ee SONYO, qaar ka mid ah guddoomiyayaashii iyo agaasimayaashii hore xilalka uga soo qabtay SONYO iyo dhalinyaro tiro badan.

Siciid Maxamed Axmed agaasimahii hore ee dalada SONYO ayaa dareenkiisa ka muujiyay xaflada uu xilka ku wareejinaayo “Sharaf weyn ayay maanta iitahay inaan munaasibadan maamuuskeedu sareeyo kula damaashaado dhamaan  barbaarta iyo bahweynta dalada dhalinyarada SONYO, si aan u wareejiyo xilkii iyo xasaanadiisa agaasimanimo ee aan soo hayay mudadii lixda sano iyo sadexda bilood ahayd,waxa uu xil xiiso badanaa oo xamaasad badnaa isku soo wada duuboo waxa uu ahaa tusaale nool oo na tusay martabada sare ee uu gaadho xil qaade kasta oo hagarbaxa, hanwaynaada una xagarbaxa daacadnimada, niyadsamaanta iyo naxariisbadanaanbta ay ku xeeran yihiin markasta duruufaha ku lidiga ah ee kakan, balse lagu waajaho qalbiweynaan iyo ujeedo sare. farxad iyo fantasiye ayay iitahay in munasabad ka balaadhan kana bilicsan tii laygu dhiibtay xilkan aan ku soo celiyo, mid ka mid ah macalimiintayda nolasha Dr. Maxamed Rashiid ayaan waxan ka guntay odhaah odhanysa ( Dhugashadu way kuu sahashaa dhadhaminta dhacdooyinka), xilwareejintani way ii samaynaysaa xiise gaar ah, maadaama oo aan xilka ku wareejinayo walaalkay Cumar Cismaan Miigane oo kusime ka ahaa markii aan la wareegayay xilka.”

Sida oo kale agaasimaha cusub ee daladaas Cumar Cismaan Miigane ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay qorshayaasha uu ku qaabili doono xilkan cusub ee loo magacaabay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa jiri doona qorshayaal hufan oo aanu soo daadajin doono oo ku dhisan talo aan ka soo ururiyo, xubnihii hore ee dalada soo maray, shaqaalaha, daneeyayaasha iyo sida oo kale dadka aan mashaariicda kala shaqayno ee haayadaha caalamiga ah, waxaan adkayn doonaa wada jira dhalinyarada,waxaanu dajin doonaa qorshayaal cusub. waxaanu yagleelidoonaa qorshaha shanta sane  ee soo socda kaas oo aanu isugugayn doono muruq maskax iyo maal intaba, waxa uu naqon doonaa ka ina haga hadii aynu nahay dhalinyarada idilkeenba, waxaynu samayn doonaa hirgalinta sanduuqyo horumarineed. ugu danbayn waxaan u mahadnaqayaa agaasimaha xilka ka sii dagaaya oo aan leeyahay daladu way ku tirsanaysaa, aniguna si gaar ah ayaan kuu tuhunsanahay oo aan kuu tirsanayaa.”

 

Guddomiyayaashii xilalka ka soo qabtay dalada dhalinyarada ee SONYO  iyo sida oo kale qaar ka mid ah masuuliyiintii xilalka agaasime soo maray ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay dareenkooda la xidhiidha xilwareejintan iyo sida ay u arkaan qori isku dhiibka dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Waxa xafladan soo gunaanaday guddoomiyaha dalada dhalinayrada Somalilane ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax waxaana isaga oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi”Waan hanbalyaynayaa Cumar oo xilkan ku soo dhawoow ayaan leeyahay, waanan u ducaynayaa Siciid, waa sunaha nolasha in laysbadalo kolayba anaguna maalin uunbaanu halkan ka sii tagi doonaa, insha allaah waxaanu isku xidhi doonaa hadaanu SONYO nahay taariikhii aynu lahayn wakhtigii aynu soo dhaafnay iyo waxii aynu casharo ka baranay iyo waxii aynu guulo gaadhnay, maanta waxa inoo yaala tacab, aragti iyo inaan la nimaadno aragti cilmiyaysan iyo qaangaadhnimo si aan u helno mustaqbal kan maanta aynu joogno ka wanaagsan, ka wax soo saar badan, mustaqbalkuna waxa uu ku xidhan yahay sida aad maanta u shaqayso,insha allaahu nasasho halkan uma joogi doono ee waxaanu keeni doonaa isbadal wanaagsan oo dhalinyarada Somaliland saameeya.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here