Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Soo Dhaweeyey Wafti Ka Socday Dalwada Hoose Stokholm Oo Dalka Soo Gaadhay + SAWIRRO

0
866

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa shalay magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyey wefti balaadhan oo ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo Xogyaha guud ee dawladda hoose ee Stokholm ee dalka Sweden oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan caasimada sweden .

Weftigan waxa madaarka Caalamiga ah kaga hortagay Maayirka caaasimadda Hargeysa, Xogyahaya dawladda Hoose, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, Maareeyaha telefishanka Qaranka, xildhibaanno iyo xubno kale.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa sheegay inay weftigan u socdaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka dalka ka socda, isla mrakaana khibrad iyo waayo raganimo u siin lahaayeen dawlada Hoose ee Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa oo soo dhoweynta weftigaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa maanta noo farxad ah inaanu halkan ku soo dhawayno waftiga ka socda dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm ee u hogaaminayo xoghayaha dawlada hoose ee Stockholm  ee ay wehelinayaan  xubnaha kale iyo wakiilada jaaliyada Somaliland ee dalkaasi, waxaanan jaaliyada uga mahad celinayaa sida ay uga soo shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa xidhiidhka u dhaxeeya labada magaalo.”

Maayarka caasimada Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay xoghayaha dawlada hoose ee Stockholm  ku soo dhawaw magaalada Hargeysa, waxaanu samayn  doonaa  kulamo badan iyo warbixino badan oo la xidhiidha mataanaynta labada magaalo iyo wada shaqaynta.”.

Sidoo kale, waxa isaguna weftigan soo dhoweeyey xogyaha dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris oo sheegay inay xidhiidh wanaagsan u tahay labadda degmo, isla markaana ka wada shaqayn doonaan xidhiidhka labadda dal.

“weftigani waxa uu nagala shaqaynayaa sidii dawladda Hoose ee Hargeysa iyo guud ahaan Shacabka Somaliland uga caawin lahaayeen xaga horumarka iyo qorsheynta magaalooyinka, kaasi mataaneyn doono labadda caasimadadood, waxaana guushaasi  keenay jaaliyadda uu hogaaminayo guddoomiyaha jaaliyadda Sakariye oo la’aantii aanay hawshani socoteen”ayuu yidhi Mawliid Waris dawlada hoose ee Hargeysa.

Waxa isaguna weftiga ku soo dhoweeyey magaaladda Guddoomiyaha jaaliyadda Sweden Sakariye xasan Wacays isagu maalmo ka soo horeeyey weftigan si uu dalka ugu soo dhoweeyo.

Guddoomiyaha jaaliyadda Sweden Sakariye Xasan Wacays oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “halkan waxa inoogu yimid wefti aad u balaadhan oo muddo ka shaqaynay taas oo fulinteeda ka qayb-qaateen maayarka iyo xogyaha dawlada hoose, waxaanu u aragna hawshan inoo bilow may in caasimaddu la mid noqoto caasimadaha kale ee aduunka, xogyaha daladda jaaliyada iyo hablaha kalle qaybta ka qaatay, marka uu hawsha dhamaysano ayaanu idin siin doonaa warbixinta oo dhamaystiran”

Sidoo kale waxa ujeedada safarkooda ka hadlay xoghaya dawlada hoose ee magaalada Stockholm Lors Radh  ee dalka Sweden  waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka caasimada somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu marti qaad ka helno caasimada hargeysa dad badan ayaana jeclaa inay yimaadaan, waxaanan u mahad naqayaa maayarka Hargeysa iyo dadkii kale ee ka soo shaqeeyey safarkayaga, waxaanan kulankan si wanaagsan uga soo shaqeeyey jaaliyada somaliland ee dalka Sweden, waxaana nala socda dad badan oo reer Somaliland oo si firfircoon uga dhex muuqda dalka Sweden, waxaanan rajaynaynaa inaanu kaalin weyn ka gaysan doono wixii anu la qaban karno dawlada hoose ee Hargeysa, waana iskaashi labada dhinac oo aanu rajaynayno inuu noqdo mid ay labada dhinacba ka faa,iidaan.”.

Weftigan waxa kale oo ku wehelinayey khabiir xaga horumarinta iyo qorsheynta magaalooyinka, kaas oo tobabaro siin doono dawladda Hoose ee magaaladda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here