Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socday Dalka Sweden

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamed(Silaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday dalka Sweden, isla mar ahaantaana uu hogaaminaayey xoghayaha dawlada hoose ee magaalo madaxda Sweden ee Stockholms Mr. lars radh.

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa waxaa madaxweynaha  ku wehelinaayeen wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka qorshaynta qaranka Dr: Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha gudaha Md:Cali Maxamed Warancade, Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), xoghayaha dawlada hoose ee magaalada Hargeysa Md:Mawliid Waris iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.

Waxaan ka dib markii kulankaasi uu soo idlaaday warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis“Halkan waxaanu ku soo dhawaynaynaa wafti ka yimid dalka Sweden oon saakana kula kulmay wasaarada arimaha dibada,madaxwaynaha waxa ay kala hadleen waftigani sidii somaliland iyo dalka Sweden uwada shaqayn lahayeen,sidii uu u siiwadi lahaa dalka Sweden Waxtarka badan ee uu u gaystay Somaliland”

Md:Maxamed Biixi Yoonis waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaas raaciyey“Waxa kale oo ay kawada hadleen wadanka Sweden waa wadanka ugu horeeya Xaga horumarinta iyo xaga dumuq-raadiyada sidaad la socotaana Bari dhawayd waxa ay ictirafeen wadanka falastiin,waxaanan anaguna doonaynaa in dalka Sweden qadiyada somaliland gayso baarlamankeeda somaliland noqoto wadanka labaad ee la ictiraafo,,waxaanan u sheeganay in ay somaliland tahay buuxisayna shuruudihii lagu aqoonsan lahaa wadan”.

Xoghayaha dawlada hoose ee Sweden oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Somaliland, sheegayna in Ay Somaliland tahay dal isku filan buuxiyayna Shuruudaha nabad galiyada.

gudoomiyaha jaaliyada Sweden ee Somaliland Sakariye Xasan Wacays, ayaa isna sidoo kale ka hadlay waftigii dalka soo gaadhay ee maantana kulanka layeeshay madaxwaynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),waxaana uu cadeeyey in ay ku farxeen wadanka Somaliland ee isaga oon aqoonsi helin nabadiisa taamka ka dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here