Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Sheegay In Uu Gebogebo Ku Dhaw Yahay Mashruuca Biya Balaadhinta Caasimadda

0
1338
Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maareeyaha wakaalada biyaha   Hargeysa ayaa  faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.

Maxamed Cali Daarood,   waxa uu sheegay in si dhamaystiran ay u gaadhsiin doonaan degmooyinka caasimada Hargaysa marka uu soo dhamaado mashruucaasi, gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa  oo maanta  warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa  ayaa   carabka ku adkeeyay in lagu hawlan yahay saddex   Berkadood oo ay caasimadu biyo ka heli doonto, iyadoo ay socdaan laba qaybood oo la doonayo in lagu kordhiyo biyaha caasimadda.

isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi  “Magaaladda  (Hargaysa) gudaheeda laba mashruuc oo waa weyn ayaa  ka socda.   Mid  waxaa  maalgelisay dawladda Germany oo ah in habkii biyaha magaalada gudaheeda loogu qaybinayay la sameeyo oo caasimadda oo dhan la  wada gaadhsiinayo.  Mid-na  waxaa  maalgelinaysa Coca-Cola African Foundation. Labadaas mashruuc oo is-dhamaystiraya, ayaa magaalada Hargeysa biyaha wada gaadhsiin doona  koonayaasheeda oo dhan, iyaguna meel fiican ayay  noo marayaan”.

Maxamed Cali Daarood, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay  meelaha laga qodayo Berkaddo biyaha lagu kaydiyo oo  la doonayo in xaafado ka mid ah caasimadda Hargaysa laga hirgeliyo.  “Coca Cola wuu inoo bilaabmay oo saddexdii  Berkadood ee laga dhisayay Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, shaqadoodii way socotaa oo  Berkadihii qoditaankoodii iyo dhagax-dhiggii baa la  bilaabay   bishii March 2017-ka, waanu socdaa.

Kan Jarmalka isaga waxaannu ku jirnaa shirkadihii qiimayntoodii iyo kala saaristoodii ciddii fulin lahayd, waana mashruuc weyn. Jarmalku waxaa uu laba Berkadood  oo waa weyn inooga dhisi doonaa halka  Berkadii hore ee Shiinaha.  Waxaana   Berkado cusub laga dhisi doonaa  degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed-dhagax iyo mid cusub oo Karinta xaafadda Daami laga dhisi doono, mid kale-na hudheelka Maansoor dabadiisaa,  taasna  waxaa   inoo dhisi doona shirkadda Coca Cola. Sidoo kale,  Coca-Cola  waxay dhisi doonaan saddex  Berkadood oo ka sii danbayn doona kuwan Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo  Berkad kor u kacsan oo madaarka diyaaradaha Hargaysa  agtiisa ah oo meelaha buurta ah gaadhsiin doona biyaha, kaasi waa magaalada gudaheedii” ayuu yidhi Maxamed Daarood.

Geesta kale maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa waxa uu sheegay in sababta keentay biyo balaadhintan cusub ay tahay iyadoo xiligii biyo-gelinta loo sameeyay magaaladda Hargaysa tiradda dadka ku nool ay aad uga yarady tan hadda ku nool, isla markaana taa darteed ay hadda lagama maar maan noqotay in sameeyo qorshe lagu balaadhinayo biyaha Hargays.

Waxaaxnu yidhi “Waynu og-nahay  nidaamkeena hadda jira ee biyaha magaalada aynu haynaa, waxa loogu talo-galay dad gaadhaya 20%  dadka ku nool caasimadda Hargaysa iminka, isla mar ahaantaanna xilligii la samaynayay Shiinaha iyo nidaamkaas, ma aha mid laga sii fikiray inay dhici doonto xilli ay magaaladu aad u ballaadhato oo loo baahan doono in biyihii xaafadihii loo kala qayb-qaybiyo oo mid qorshaha ku jira muu ahayn.

Waana  sababta keenay in magaalada qayb ka mid ahi biyo ku filan helaan, qaybaha qaar-na aan laga arag biyaha”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here