Maanso cusub “Qalinkaagu yuu noqon” Mukhtaar Caydaruus Cige “Haj Dhako”

0
2095

Maansadan Qalinkaagu yuu noqon waxaa sameeyay Suxufi Mukhtaar Caydaruus Cige (HajDhako) waxay soo baxday 27 Dec 2017 , waxaanay la hadlaysaa bahda qalinka iyo qoraalka Af kastoo ay wax ku qoraan. Waxaanay iftiiminaysaa in aanu qalinku noqon mid dhinaca qaldan loo isticmaalo ee samaha iyo wanaaga lagaga shaqeeyo. Waxaanay ku bilaabmaysaa sidan:

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid qalooca oo jaban

Mid ku qaawiyoo tusa

Quruumaha aduunyada

Qiimaha naftaadiyo

Qaabkaad u nooshahay

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid qal-qaaliyoo falan

Mid naftaada qala oo

Qoontaada muujoo

Qalbigaaga dhaawacan

Aan qarinin waayaha

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid aad qooma-mootoo

Kaba qanacdo aayaha

Qumacaad ridaysaa

Sida qaraxa baaruud

Qaribaayo dunidaba

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid aad qiil ka dhigatoo

Ku qorayso sirihii

Qubanaha dadkaagoo

Ku qasayso maatada

Qol-qol aad wadaagtaan

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid ku qaawinaayoo

Ruuxii ku qoonsada

Ama aad is qamacdaan

Qiyaamaha tusaayoo

Qancinaaya shaydaan

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid aad kuba qasaartoo

Quwadaada hoosiyo

Qarinaaya hibaduu

Qaadirkeen ku siiyee

Qaali aad ku noqon-layd

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid xiskaaga qaatoo

Qali-baaya maankoo

Quruxdiyo wanaagiyo

Kaa qariya samahaad

Qalbiyada wadaagtaan

 

Qalinkaagu yuu noqon

Qofka aad is jiidhaan

Ama aad is qabataan

Mid ka reeba qayrkii

Quudhsanaaya waliboo

Qalbigiisa dhaawaca

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid qod-baha furaayoo

Kala jaraya qaydkoo

Kala qubaya wadhatada

Kala qariya ehelkiyo

Intaad qoys wadaagtaan

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid aad ciil ka qaadoo

Qoorta aad is goysoo

Laabtana ku qufuloo

Qudhaadii dilaayoo

Qanjidh aad is moodaa

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid ku duula qarankiyo

Qaaradaha aduunkoo

Qorshihiisu uu yahay

Qal-cadaha ridaay iyo

Qalad inaad ku maagtaa

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid qisooyinkii hore

Soo qubaya maantoo

Soo qufaaya cadhadii

Beri hore ku qabatoo

La qandhaysan tahay wali

 

Qalinkaagu yuu noqon

Mid aad qaadi karinoo

Qadaf kuu horseedoo

Qalad kuu wanaajoo

Qumbulada sideedii

Qayladu is gaadhaa

 

Hargeisa press office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here