MAALGASHIGA IYO QORSHAYNTA HABOON Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
1421
Axmed Cisman Batuun

Inkasta oo ay muuqato sida ay u korayaan magaalooyinka waawayn ee somaliland,isla markaana la arkayo koboca ganacsiga ee dalka waxaa geesta kale laga dheehan karaa woxoogaa qorshe la,aan iyo is barbaryaac ah,waxaana loo aaneeyaa inay sabab u tahay waxyaalo dhawr ah oo ay ugu horayso dhinaca curinta fikradaha ganacsi oo ku yar dadka taasoo keenta in laysku daydo suuqyadana laysku cidhiidhyo.

Guudmarkan ka dib aynu is dul taagno qormadan kooban oo aynu ku eegayno nooc ka mida maalgashiga ay sameeyaan dadka aaminsan dhulkooda ee sida caafimaadka qabta u fekera isla markaana lacago malaayiin doolar ah galiya sidii ay u abuuri lahaayeen ganacsi ku dhisan qorshe,qiyaas,iyo cilmi baadhis ku qotonta xaqiiq oo saldhig wanaagsan u noqota hadba waxa ay gacanta u qaadayaan ee ay bilaabayaan.

Dr.Cismaan cigaal oo loo yaqaan Dr.Cigaal

Waa muwaadin degen magaalada hargaysa kuna barbaaray dalalka qurbaha gaar ahaan yurub iyo bariga dhexe,waana aqoonyahan cilmiga dhaqaalaha wax ka bartay kagana soo shaqeeyay dalalka ingiriiska iyo imaaraadka carabta isagoo kaalin kasoo qaatay qorsheyaal dhaqaale dejin ah oo dalalkan qaarkood ku horumareen.

Dr cigaal waxa uu in muddo ah ku jiray cilmi baadhis isugu jirta dhinaca amniga,istaraatijiyada iyo suuqgeynta waxaanu soo maray dalal badan oo ku yaal bariga afrika sida,somaliya,ethiopia,kenya,tansania,uganda,suudaan iyo meelo kale,waxaana uu ugu danbayn ku qancay in somaliland ay tahay dhinac kasta meesha ugu haboon ee uu ganacsi balaadhan ka abuuri karo.

Wuxuu bilaabay inuu dhagax dhigo huteel wayn oo la yidhaahdo(THE ROYAL PALACE HOTEL & RESORT)

oo jiho ahaan ku yaala dhinaca galbeed ee magaalada hargaysa ku dhawaad 10 km.

Goobtani waxay kaga duwantahay meelaha ay iska matalaan dhinaca adeega ay bixiso ama huteelada la midka ah waa meel lagu bilaabay qorshe laga fekeray in badan isla markaana leh himilo dhow iyo mid fog oo si taxadir leh isu daba socota.

Waxyaalaha xiisaha gaarka ah leh ee huteelkani koobsaday waxaa ka mida iyadoo khudrada,xoolaha nool,bunka iyo waxyaalaha la midka ah ee lagu isticmaalo huteelka lagasoo saaro isla goobtan oo xataa qayb ahaan loo iib geeyo magaalooyinka.

Waxaa xusid mudan in huteelkani leeyahay qaybo hurdo oo si casri ah loo qalabeeyay,qaybta shirarka,qaybaha dukaamaysiga,cibaadada,ciyaaraha dhaqanka, caafimaadka, iyo meelaha caruurtu ku ciyaarto.

waxaana uu ii sheegay dr.cigaal in qiyaas ahaan lacagta gashay hirgalinta huteelkani ay kor udhaafayso 11 milyan oo dollar.

Arimahan iyo kuwo kale oo ay ka mid tahay xaga saxmad yaraanta,bilicda,iyo hawada saafiga ah  ayaa sida la qiyaasayo keenay in xukuumada cusub ee m.wayne muuse biixi ay u doorato in kulankii dhawrka maalmood ahaa ee golaha xukuumada lagu qabto halkan,waana talaabo wanaagsan oo dhiirigalin u ah muwaadinkan maalgashiga balaadhan sameeyay.

Ugu danbayn waxaa la gudboon qof kasta oo jecel inuu sameeyo maalgashi ama abuuro ganacsi waxaa fiican inuu yeesho qorshe cad oo toosan isla markaana uu ku fekero sidii uu usoo kordhin lahaa wax cusub.

Gabogabada qoraalkan aan kaga baxo dadka jecel horumarka iyo waxsoosaarka waxaa la gudboon inay dhiirigaliyaan isla markaana garab istaagaan dr.cismaan cigaal iyo qof kasta oo la yimaad ma hadho la mid ah tan uu hirgaliyay.

Muwaadinka maalgashiga balaadhan sameeyay ee hantidiisa dalka galiyayna  waxaan leeyahay ilaahay hakuu barakeeyo ganacsigaaga waxaanad ku dedaashaa inaad sii balaadhiso una gudbiso gobolada kale ee dalka si aad u astayso taariikh cusub oo aad bilawgeeda yeelato.

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here