Ma Talo Ayaynu Kaga Qayb Galnay Shirkii Somalida loogu Qabtay Djibouti?!!!

0
987
Prof-Abdi Ali Jama

Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia ayaa fadhiyay; Djibouti oo aynu ognahay halkay ka taagan tahay qaddiyada Somaliland ayaa gogosha fidisay; innagu ma talaynu ku tagnay; haddaynu talo ku tagnay, waxan leeyahay dib ha loogu noqdo taladaas; haddii dadka tegay ay mashruuc ama dalxiis ka ahaydna, waa in lala xisaabtamaa.

Immika qorshaha la wadaa markaan qiyaasay waa in innagoo soo taag-taagan caadi laga dhigo sheekadii Somali wayn; mabaan arag maalin ay ka dhiiran yihiin; oo ka farsamo fiican yihiin, waabay ina xushan yihiin ba; niyad jabkii ka dhashay doorashadana si fiican bay uga faa’iidaysteen.

Waxan yara dhegaystay doodda qaar xaggeena ka socday; wallahi waxay u hadlayeen sidii oo ay ka mid yihiin Muqdisho; waar goormaa sidan loo jabay?; waar shaw mehereddu beri hore ayay kacday ba?; qodh iyo xaro, laftii bay jabinayaan kuwani; waxan moodayay in oogada sare ee jidhka la gar-garaacayo; waar talaw miyay kuwani innaga aragti dheer yihiin; mise way innaga fariidsan yihiin?!!!; mise hoostaa laga diray?; mise xaalku waa dheglay ku shub, dhan walba ha lagu qadee; hashu maankayga gadee ma masaar bay liqday?!!! ; bal adba?

Waar hoy jooga; waynu is naqaannaa oo mashruuc baad ku dhimanaysaane; mashruucaas iska jira, Ilaahay baa risiqa bixiyee?; maanta waliba nin baa muraad leh, maxaa ugu cammirteen? ha u cammiraan kuwii uu waligii ba daba socon jiray’e, haddii ay maanta isa seegeen?!!!

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Prof-Abdi Ali Jama

Hargeisa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here