“Lix bilood na qaylo ayaynu ku jirnaa lix biloodna barwaaqo ayaynu ku jirnaa”…

0
843

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garawga masiibooyinka dabiiciga ah  iyo kaydka raashinka Somaliland  Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa maanta soo xidhay shir laba maalmood ka socday caasimadda Hargeysa.

Shirkan oo lagu dersayay sidii loo midayn lahaa meelna la isugu gayn lahaa arrimaha gurmadka qaran ee wax ka qabashada masiiboyinka, ayaa guddoomiye Faysal Cali Sheekh ka jeediyay dardaaran qaran ka jeediyay gabagabada.

Waxaana shirkan  ka soo qayb galay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin hay’adda u diyaar garawga masiibooyinka iyo kaydka raashinka ee Somaliland iyo wasaaradaha ay xidhiidhka shaqo wadaagaan.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh, oo xidhitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in meel la isugu geeyo ooh al meel laga wada gurmado si loo helo cudud midaysan oo ka jawaabi karta baahida gurmad ee loo baahan yahay.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayay muhiimad weyn u leedahay aaraada iyo fikradaha la is waydaarsanayay,  maadaama aynu nahay umad weel qudha ku wada fadhida ummda qudhana u wada shaqaynaysa dhammaanteen.

Hay’ad kasta iyo waax kasta oo aynu ka kala soconoba,gurmad haddaan ka sheekaynayno umado badan ayay qusaynaysaa oo waax waliba qayb ayay qaabilsan tahay”.

Waxaanu intaas raaciyay “Laakiin,  waxaynu u baahanahay run ahaantii si dadka inna caawinaya iyo caawimada dawladduba si ay meel qudha ugu soo uruurto oo ay macno u yeelato waxa aynu qabanaynaa.

Haddii qolo waliba gooni u cararto oo caafimaadku gaar u ordo oo biyuhu gaar u cararaan oo annagu aanu gees u cararno macno yeelan mayso waxaynu qabanaynaa mana noqonayso wax ka wada jawaabaya baahiyaha aynu wax ka qabashadooda u taagannahay”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Geesta kale  Faysal Cali Sheekh,  oo ka hadlayay ujeedada ay kulankan labada maalmood socday ay u qabteen iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah ka wada shaqeeyaan sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noq noqda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna  waxa uu  yidhi “Ujeedada aan kulankan u qabanayna waxay tahay,  side ayaynu u xoojin karnaa wada shaqaynteena? Sidee baynu u wada samaynsan karnaa qorshe wada shaqayneed oo aynu ugu wada diyaar garoobi karnaa abaaraha iyo aafooyinka soo noq noqda?

Lix bilood na qaylo ayaynu ku jirnaa,  lix biloodna barwaaqo ayaynu ku jirnaa. Markaa waxaynu u baahanahay in xidhiidhku sii dhisnaado,  oo aanay noqonin marka ay dhibaato timaado uun in aynaan is doon doonanin,  oo aynaan is raad-raadin.

Waanan wada shaqaynaa dhammaan hay’addaha dawliga ah.  Waxaanan ku dedaalaynaa ka hay’ad ahaan in  aanu isku duba-ridno wixii kaalmooyin ah,  ee aanu u nahay hay’adda qaranka uga masuulka ah.

Waxaanan diyaar u nahay in aanu wasaarad kasta la shaqayno,  oo aanu kaalintooda u banayno,  oo aanu is-garab taagno”.

Gebagebadii shirkan ayaa la isku raacay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo arrimaha gurmadka masiibooyinka.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here