Burco: Wasaaradda Diinta Oo Digniin U Dirtay Hudheeladda

0
832

Burco (Hargeisa Press.com):  Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa Hudheellada magaalada Burco ku yaalla uga digtay in lagu qabto Bandhigyada laga tumo Muusiga isla-markaana ay ka qayb-galaan dhallinyarada, sida Hablaha iyo Wiilasha.

Waxaana sidan warbaahinta u sheegay Isu-duwaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ee gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye, oo maanta warbaahinta la hadlay.

Isagoo xusay in haddii ay  hudheeladaasi joojin waayaan Muusiga in la dacwayn doono, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Isu-duwaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ee gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye, oo arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yidhi “Waxaanu Huteeladda uga digeynaa hablaha qaaqaawan, Inamadda yar yar ee madaxa fiiq-fiiqay, ee Muusiga ku tumanaya Hudheeladda.

Hudheeladaas digniin ayaanu siineynaa haddii ay ka dayn waayaan oo ay fuwaaxishkaasi ku sii wadaan u adkeysan meyno ee waanu dacweyneynaa wixii ay ka helaan ayay leeyihiin”.

Kayse Xaaji Diiriye,  waxa uu intaasi ku daray,  “Wasaaraddu wacyigelin ayay sameysaa, haddii ay yihiin kuwan Muusiga ka tuma Hudheeladda dhammaan waa ay ka hawlgashaa.

Waxaananu u farnaa ciidanka nabadgeliyadda iyo hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista, oo iyaddu u xilsaaran arriamahaasi khaaska ah.

Wixii Diin cay ah, wixii Khamriya, oo qofkasta oo muwaadin ahi wixii xun uu arko ha nagu soo wargeliyo”ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Togdheer.

Geesta kale ssku-duwuhu waxa uu ka warramay waxyaabaha ay u xil-saaran tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.

Waxaanu yidhi “Malcaamadaha iyo Masaajiddada ayaanu diwaangelinaa, Masaajiddadu way noo diwaangashan yihiin, waxaana hadda noo socda Malcaamadaha, wasaaradduna waxay qabataa wax Alaale iyo wixii Fawaaxish ah, wacyi-gelin ayay samaysaa”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here