Laba Dacal Dhexdood Libdho Kuugu Dhacdey, Dawladnimada Soomaalida Ayaa Darkaa Ka Cabta, Wadaniyadna Umey Daban. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
144
C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) PHOTO FILE

Duul aan hogaamini deeqin in la Maamulana hadalkood daa yagoo muwaadiniin ah ama Wadaniyiin dareensan oo ay ku weyn tahay qadiyada ciidoodu, Waxay ku baddalaan karaan maalin masruuf iyo waxaan dhaamin Aragtida Dhuunta, Balse tani lama qabaan dadyowga kale ee Caalamka ku unkan, Su,aalo door ah ayaan ku bilaabayaa faaladan. Dalan-baabigiyo ciilka duliga Soomaalida saaran horta yaa badey? Ma qayb bay u heshay Doc-qudhantiyo wacaasha Uur kala dooxan? Yaa dirawaliyey diimiska haysta geedigeeda nolosha?.

Horta taariikhdu yadaa is-qorta waa ta Aduunka marka laga reebo Sooyaalka Soomaalida, Waayo umadani waxa la Majara-habaabiyey xiligii Ololaha Qorista Af-soomaaliga oo loo sameeyey taariikh aan jirin lagana dhigey wax Diwaanka gala, Sababtuna waxay aheyd aragti ka soo fushey Kacaankii ama Tawradii Ina Siyaad Barre oo sidaa xal u arkayey, “ Alif Kaa Xumaadaa Al-baqra Ayuu Ku Dhibaaye”, Horta halkaasey ka laaqantey bahashu, Yadaana wixii kakanaa ee lagu shubey isu dirawalisey, Soomaali laf-ahaanteed.

Waxba yaanan tooxsin Arereed dawaada ku sii daanshoone aan Abaaro halkay maantana holatey, In kastoo qalad dhacay, Hore loo qaldamey, Dhexda laga qaldamey, Dibna loo qaldamey, Waxa ugu daran ee dareen murdiso ku suntan waa Wadaniyada dadka Soomaalida iyo Dawladnimadooda oo ay dhinac isu raaci weyday arimo la xidhiidha dano-gaar ah iyo Duruus qaldan oo loo dhigey umadan, Carabta ayaa tidhaahda “Kulu Fidma Cindal-ibil” , Mushkiladi inoogamay horeyn Isticmaarkii waxaan raacnaa raadkiisii, Dawladnimadeena isaga ayaan ku dabaqnaa, Nidaamka qabiliga ah iyo wax qaybsiga isaga ayaa inoo dajiyey, Markaa inagu dunida waxba kumaynu soo darsan, Sidii Raxmaanku u noolaada yidhina waan khilaafney hadii laga tagi waayo waan Sunaynaa.

Sida ku cad Maktabadaha umada Soomaalida oo ah Suugaantooda hodanka ah, Waxay umamkani lahaayeen nidaam ama qaab nololeed ay ku soo noolaan jireen oo ay isu maamuli jireen, Xeer-beegti baa loo daba-fadhiisan jirey xilaheeda, Geesiyo gaari bay lahayd, Biri-ma-gaydo ayey lahayd, Xeer garsoor oo gog lagu daabacay ayey lahayd, Tusaale ahaan Dil ama fal nabur ku yimaada kitaab laga daalacdo ayey lahayd, Sida Xeer iyo xagaan, Kas iyo Ka’ma , Qudh iyo qaan, Haykalkaa dhamayska tiran waxay maanta ku badalatey iney wax walba marti uga ahaato Hideyaal shisheeye, Kumana dhaqanto kamana dhabayso, Balse way ku foogan tahay iney ku dayato, Keedii ka tagtey ku kalena gaadhi weyday.

Muwaadiniin ma,aha Soomaalidu meel kasta oo ay joogto ama ay ku dhaqan tahay waxa caado u ah iney ciideeda ku doorsato Kacdoon shacab iyo dan ruux kali ahi leeyahay, Wadamada ay mandaqada ku wada yaalaan Wadamada Soomaalidee kala gadisan waxay dheer yihiin Muwaadinimo, Wax way isu qabtaan laakiin kama gaadho heer Qaran-dumisnimo iyo handidaad shacab, Siyaasad waa laysu qabtaa laakiin laysuma qabto waxa la wada leeyahay ee umada ka dhaxeeya, Sida Wadanka, Calanka, Dastuurka iyo Dhaadashada Ciida, Intaa in la ilaashado ayaa laga wada siman yahay dhamaan jinsiyadaha aduunka ku dhaqan ee dal ka dhaxeeyo.

Umada Soomaalidu waxay ku kala fooftey Istaraatajiyadihii uu gumaystuhu u sameeyey yagoo ka dhaxley cawaaqib-xumooyin badan, Oo ay ugu horeyso in Nimaadka Dawladnimo iney la xidhiidhiyaan dhaqan aan koodii aheyn ee la barey waliba ay gadh-wadeen ka yihiin Duqey dhalan-gadisan, Waxay tii dhashey Dawlad ka been sheegta waxay ku heshiisey cida ugu horeysa ee dabarkaasi furtaana ay Shacabka ama Bulshada, Oo qaladkii la saxsanaadey isla markaana waayey wax u gurmada ama u hindisa wax cusub oo ay aduunka la wadaagaan kagana qayb galaan nidaamyada hogaamineed ee qoomiyadaha kala duwani isu dhaqaan oogada Koonka.

Waxaad arkeysaa Dawladnimadii oo ay u wada fahmeen wax layska laaluusho si ay u shaqeyso, Culuuntaasina mustacmarka ayaa Odeyaasha beel-daajiyayaasha ah u isticmaali jirey, Waa sababta maanta dawladaha Soomaalida ay Bulshooyinku ugu kacaan si qofka hagayaa u helo waxa uu doonayo xataa wuu wadayaa halgankiisa doonista ilaa heer Qaran-dumis, Hadiise la af-garto Xukuumaduna ay wax u fidiso si lama filaana ayuu u noqonayaa Odey guurtiya, Qodobkaasina waxa uu fasirayaa in Wadaniyada Dalnimo ay kala weyn tahay dantiisa gaar ahaaneed, Waa raad ay wada mareen umadaha Soomaalidu iney buuq ama Siraad ogaan si ay u hantaan wax aan dheereyn Noloshooda, Kama fikiraan mustaqbal wadan iyo faa,iidada ciidu leedahay in la ilaaliyo wadaniyadana lagu beero.

Nidaamkeedii way ka soo min-guureen ku ay ikhtiraaceena may helin taasina waxay hoosta ka xariiqeysaa, Dawladnimada Soomaalidu iney tahay bildhaan gabi ka laalaada ama “ Laba faras fuul futo qarer baa laga qaadaa”, Inta badan heer la mahadiyo ma gaadhaan waayo laba qalbi lama wada yeesho quluub kaliya uun baa qaninimo lagu hantaa, Waa bulshada kaliyaatee laga waayey wax lagaga daydo intii u dhisnayd waa laga wanjaafey in kale oo lagu shubeyna way baal-mareen, Gumaystuhu intaaba wuu badey hadana maalin qudha isumay dayin iney ka baxaan dhibaatada ama ay keenaan dariiq u dhaama oo gaynaya waxay doonayaan.

Suura-gal ma noqoto Dawladnimadoodu maxaa wacay mar kasta way ka leexdaan wixii ay ku heshiyeen, Dawladnimada ay matalaana waxa ka hor-imanaya nidaam qabiileedka loo dajiyey ee aan koodii hore aheyn, Tusaale waxa jirta tabasho nasiib xumose halkeeda lagagama doodayo waxa markaaba lagu kacayaa fal dhaawacaya Dawladnimadii la wada lahaa ee aan cidna gaarka u aheyn, Masiibada Soomaali ku habsatey horta waa ceynkaa xaqiiqatan waxa ku dhacdey dabaaqad sun ah iyo Astaamo samaha dawladnimo ka fog, Inta shacabku aaney garanayn waxa isku haya ama ka dhaxeeya iney tahay dhismaha saxda ah ee qaab Dawladeedka ay leeyihiin, Hadiise taasi meesha ka baxdo ninba meel buu dhurwaagu ku haleeli.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalysts.

Gabiley/Somaliland.

LEAVE A REPLY