Hal magaalo oo laba dal kala maamulaan, laba nin oo ilmaadeer ahi kala xukumaan iyo awoodooda wax qabad oo isku jira cir iyo dhul…W/Q Bakhad-Ladiif M. Cumar

0
931

Magaaladda Wajaale waxay u qaybsan tahay, laba qaybood oo kala ah qayb Somaliland iyo qayb Itoobiya ah, marka qaybta Somaliland joogto oo ah qaybta lacagta ugu badan ku xarooto indhahaagu wax ku raali galiya ku arki maysid, marka dhinaca Itoobiya joogta duni kale inaad joogto ayaa la moodda, waxa kale kuma suuraynayside tuullo qaxooti ku nool yihiin iyo caasimad yurub ku taalla ayey u kala eeg yihiin.

Waxay kala yihiin laba magaalo oo midna Maraykan ku taalla iyo mid Afrika ku taal, dawlad iyo dawlad la’aan, nidaam iyo nidaam la’aan.

Markaad Wajaalada Somaliland joogto, waxa ku muuqanaya, waddo la’aan, qashin, biyo qudhmay, nadaafad daro,dhiiqo ama boodh, marka dhinac Itoobiya joogta, intaas cakiskeedda, waxay dheer tahay, nolol jaban, laydh, biyo iyo waxbarasho bilaash ah, qoyska danyarta ah ee dhinaca Itoobiya ku nool kama warwariyo waxa uu ka warwariyo ka ku nool dhinaca Somaliland.

Maayarka Wajaale ee Itoobiya lix bilood buu jooga waxaanu wax ka qabtay:.
1. Waxa gidaarka ku yaalla sanadka waxa u qorshaysan inuu qabto iyo miisaaniyada ku baxaysa oo qof waliba si toos ah u arkayo, taas oo uu kaga mid yahay dhamaan magaalooyinka kale ee Itoobiya oo wada sidaas ah.
2. Markii uu yimid wuxuu bilaabay markiiba inuu sameeyo laydhkii wadooyinka nuurinayey, sida sawirkan idin muuqda ku arkaysaan,.
3. Wadooyin kale buu bilaabay,
4. Dhinacyadi wadooyinka ee boodhka ama dhiiqada dhagaxaan lagu dul sacdo ayuu ku sameeyey.
5. Dhamaaan dugsiyadii bilaa dayrka ahaa wuu sameeyey.
6. Nadaafadda kor buu u qaaday oo wax indhahaagu diidaan arki maysid.
7. Waxa u weyn ee uu qabtay ee lagu xasuusan doona ee markii ugu horeysay ka hirgaliyey jaamacad, iyadoo in badan loo diidanaa oo lahaa 45 daqiiqo ayey wajaale iyo Jigjiga isku jiraan suurogal maaha in qayb ka mid ah jaamacada JIgjiga laga furo Wajaale, nasiib wanaag wuu ku guulaystay dadaal badan oo uu galiyey.

Intaas oo wax qabad ah dadka daanta Wajaale ayaa iga sheekeeyey.

Maayarka Wajaale ee Somaliland laba sanno ayuu joogay, wax la taaban karo oo dadku ku sheegan arki maysid.

Labada maayar waa laba nin oo ilmaadeer ah, waxaysa is dhaafiyey, kartidda, daacadnimada iyo laba dawladood ee ay kala yihiin.
Nin Soomaali ah oo ka yimid xadka ay wadaagaan Oromada iyo Soomaalida ayaa igu yidhi “ lacagtii Itoobiya oo dhan haday tahay xabashi, ama Oromo ama Soomaalida deegaanka waxay timaada Wajaalada Somaliland hadana lacagtaasi kama muuqato magaaladda, waar magaalada wax uun ku celiyo dhe buu yidhi.”

Marka Wajaale joogta waxa loo yaqaan Soomaali weyn meel kasta oo Soomaali joogto way iskugu timaadda, qof kaligii usoo safra iyo qaar ganacsato ahiba waxbay ka iibsadaan, waa magaalo ganacsi, haseyeeshee dadkeedii baa hagraday oo waxaas oo lacag ah ee laga helo kama muuqato.

Barkhad-ladiif Mohamed Omar

LEAVE A REPLY