Khilaafka Hogaanka SOLJA oo sii Xoogaystay, Guddida fulinta Oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii iyo Jawaabta Xasan Maxamed Yuusuf

0
1002

solja3265Hargeysa,(HargeisaPress) — Khilaafka Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sii xoogaystay ka dib markii Gudoomiye Xigeenka Ururka, Xoghayaha Guud iyo Xubno ka mid ah Guddida fulintu ku dhawaaqeen inay Xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Xilku ka dhamaaday ee Xasan Maxamed Yuusuf. Waxa sidoo kale xilka qaadista ku gacan saydhay Xasan Maxamed Yuusuf.

“Guddida fulinta ee Ururka oo ay magaalada Hargeysa ka joogaan sagaal xubnood oo xubnihii Goboladana qaar ka mid ah joogaan waxay gaadheen go,aan xil ka qaadis ah oo ay xilkii gudoomiyenimo mudada kala guurka kaga qaadeen  gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanay si ku meel gaadh ah mudadaa kala guurka gudoomiyaha guddida fulinta ugu doorteen Mustafe Sheekh Cumar Geedi si hawlaha shirka iyo qaban qaabadiisu habsami ugu socdaan, falkaas xil ka qaadista ah ayaa ka dhashay ka dib markii gudoomiyuhu saaka xafiiska yimid oo u qaatay qalab uu lahaa ururku” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta ururka.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Jaamac Caloolay oo ka mid ah guddida qabanqaabadda shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ayaa ku eedeeyey gudoomiyihii hore ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf inuu doonayo inuu ururka ka iibiyo xukuumada, isla markaana uu ururku noqdo mid hoos taga, isagoo xusay in mar kasta oo shirweynaha ururka la qabanayo ay xukumadihii kala dambeeyey isku dayi jireen inay fashiliyaan madax banaanidda ururkan, haseyeeshee mar walba saxaafadda madaxa banaan ka guulaysan jireen.

“Waxaa jira shir saddex goosood ahaa oo u dhexeeyey wasiirka Warfaafinta, gudoomiyaha ururka SOLJA iyo Daladda SONSAF ee aan dawliga ahayn oo ay doonayeen inay ururku noqdo mid xukuumaddu maamusho, isla markaana xeerar macmac ahaa oo ay SONSAF mashruuc ku heshay oo ay doonayso inay xeerka saxaafadda wax kaga bedesho kaga faa’iidaysato arrintan, waxaana taas ku cadaynayaa in shirarkii guddida fulinta aanu ka soo qaybgalin gudoomiyaha ururka”ayuu yidhi Caloolay oo ka hadlayey sida wax u jiraan.

Sidoo kale, ururka SOLJA ayaa sheegay in saaka xilli hore uu xafiiska yimid gudoomiyihii xilka laga qaaday, isla markaana uu ka qaatay shaanbaddii xafiiska iyo furayaashii qolka shirka, taasina ay tahay dambi laga galay ururkan.

Gudoomiyaha SOLJA ayaa isna ku gacan saydhay Xilka qaadistaasi, isagoo sheegay inaanu jirin xil uu hayay, sidoo kalena Xubnaha Xilka ka qaadaya uu ka dhamaaday wakhtigu. Waxa uu sheegay in Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee uu magacaabay sii wadayaan Hawlaha Ururka, balse Guddida Fulinta ayaa iyana hore u magacaabay guddi kale.

Khilaafka Hogaanka SOLJA ayaa mudo Huursanaa balse soo shaac baxay markii Xilku ka dhamaaday. Gudoomiyaha Ururka ayaa u muuqday Mudooyinkii dambe mid gacan saar la leh Xukumadda, halka Xoghayaha Guud Managed-rashiid Muxumed Faarax iyo Gudoomiye Xigeenka Maxamed Cabdi Curad ka soo horjeedeen islamarkaana Dhaliilayeen Xukumadda wakhtiyada Wariyeyaasha lagu tacadiyo.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here