Juuneey Xaal Qaado!…Faallo

0
170

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Waxa habeenimadii 26kii June  Jamhuuriyadda Somaliland  looga debaal-degay 59 Guuradii ka soo wareegtay, markii Somaliland ay iska tuurtay  heeryadii isticmaarkii Ingiriiska, oo ay Hargeysi noqotay magaaladii  ugu horreysay ee  calan xor ah oo Soomaali leedahay laga taagay 26kii June 1960kii, isla markaana la dejiyey calankii boqortooyada Ingiriiska  oo ka taagnaa muddo ku siman 83 Sannadood.

Shacabka Somaliland waxa xamaasadoodu taagan tahay xilligan, si ka duwan sidii ay aheyd 59 sannadood ka hor, waxaanay casharro ka barteen  hungadii  iyo hagar-daamadii ay  kala kulmeen  xornimadoodii ay kula midoobeen Soomaalidii Koonfurta ee uu xukumi jiray Talyaanigu.

Munaasibad aad loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa, waxa u dhammaa muxaafid iyo mudaaridba waxaanay  muujisay sida Somaliland ay ugu middaysan yihiin  dib ula soo noqoshada Madax-bannaanideeda oo haatan laga joogo muddo 28 Sannadood ah oo ay ku naaloonayaan  qaranimo raasamaal ah oo aan beesha caalamku waxba ku darsan.

Ra’yul-caamka bulshada  Somaliland ayaa goobaha barkulanka kaga hadlayey  xaflad  Dawladda aan iskeed isku taagi karin ee Soomaaliya ay ku xustay  munaasibada 26ka June oo lagu  qabtay Villa Soomaaliya.

Taasoo ay ku tilmaameen inay aheyd mid “afka baarkiisa ah” oo aan wax samo ah soo kordhinaynin maadaama  31kii sannadood ee ay Somaliland ka mid aheyd Soomaaliya ay kaga  xumeyd  83kii sannadood ee ay ku hoos jireen gacantii gumaystaha.

Madaxweynaha SomalIland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay  jar iska xoornimadda madaxda siyaasadda ku layliga ah ee dawladda qaadhaan ku noosha ah ee Muqdisho, kuwaasi oo qabatimay inay taariikhda been  sheegaan.

Waxaannu yidhi; “Qolada Koonfur Madaxweyneyaashooda, Baarlamaankooda iyo Shicibkooda haddaad waydiiso bal horta Magacayga maxaa la yidhaahdaa, ma ahayn laba Dawladood oo isku yimid Lixdankii, Nin qudha Afkiisa soo mari mayso, markaa maxaynu ku wada-hadlaynaa?”  waxaanu intaa ku daray “Nin ku leh Magacaaga ma aqaano Afkaad ku wada-hadlaysaan muxuu noqonayaa.”

Madaxweyne Biixi  waxa kaloo uu  ka taariikheeyey  munaasibadda 26ka June  iyo halganka qadhaadh ee ay Somaliland dib ugula soo noqotay madax-bannaanideedii fiiro la’aanta kaga dhacday godka madow. Waxa madaxweynuhu Ilaahay uga mahadceliyey in shacbiga Somaliland ku guuleysteen inay dib u saxaan khaladkii ay ka galeen gobanimadoodii ay hadyadda u bixiyeen.

Madaxweyne Farmaajo oo sas iyo cabsi la  anfariiraray ilbidhiqsiyo ka mid ah saacadihii uu joogay xafladaas markii dhegihiisu moodeen qarax  rash loo ridayey xafladaas.

Waxaanu u hadlay  qaab uu naxli cusub ku  gashanayo shacabka iyo Dawladda Somaliland, maadaama uu  ku tiraabay inuu wax walba u hurayo inuu Somaliland ku soo noqoto Midowgii, taasi oo ah mid uu ku dheel-dheelayo  aayo ka tashiga ummadda reer Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu  u muuqday  sidii  qof ajanabi ah oo hadalka  jajabinaya markii uu tirinayey tudducyo ku jiray Gabaygii Cabdilaahi Suldaan Timacadde ka jeediyey munaasibadii calansaarka ee 26kii June 1960kii,  taasina sababtay  in madaxtooyada Somaliland ka jawaabto laabla-kaca  Farmaajo.

Waxa madaxweyne Farmaajo uga baahan inuu isku hayo  Soomaaliya oo u sii kala jajabtay shan maamul goboleed oo aanay waxba ka dhexaynin iyo inuu ugu yaraan awood u yeesho  ammaanka aqalka  Villa Soomaaliya oo ciidammo shisheeye ku ilaaliyaan oo  ka dhigtay   naxdin la nool sas iyo beyr leh.

Farmaajo,  taariikhda uu difirayo  ee reer Somaliland  waxaa igaga filan bandhig faneedkii ay Fanaaniinta Qaranku ku soo bandhigeen madaxtooyada Somaliland habeenkaas oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Juuneey Xaal Qaado. ” oo uu alifay Abwaanka Maxamed Cabdi Wabax  oo sawir ka bixinaysay ficilada  Farmaajo oo indhuhu u dilaaceen xiligii uu Soomaaliya majaraha u hayey  Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre  oo    hiigsi iyo halbeeg uu ku daydo u ah.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

LEAVE A REPLY