Iska Hor imaad Khasaare Sababay Oo Berbera Ku Dhex Maray Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Iyo Shacabka Xaafad Kamid Ah Magaalada Berbera

0
1019
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaare sababay uu xaafada Shacabka ee magaalada Berbera ku dhex maray shacabka xaafadaasi iyo ciidamada Booliska Berbera.

Waxaana naloo sheegay in Iska hor imaadkani uu ka dhashay goob uu dhisanayey mid kamid ah mujaahidiintii SNM oo lagu magacaabo Faysal Wadka taas oo Badhasaabka gobolka Saaxil uu ciidanka soo amray inay ka hor istaagaan inuu dhisto goobtani Mujaahid Faysal Wadka,waxaana intaasi ka dib goobtaasi ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo waliba muran dhex maray ciidamada iyo Ninkan goobta dhisanayey taas oo sababtay in ay dhex marto israsaasayn xoogan.

Ciidamada Booliska ayaa iyagu Rasaas nool u adeegsaday sida naloo sheegay shacabkii xaafadaasi oo ka gadooday qaabka ay ciidamadu ula dhaqmeen Faysal Wadka,waxaana ay shacabku bilaabeen tuurista dhaxaan ay la beegsanayaan ciidamada,halka ay ciidamadu shacabka ku rideen rasaas.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Saaxil ayaa ka dhawaajiyey in ninkan goobta dhisanayey ee lagu magacaabo Faysal Wadku uu rasaas kusoo furey ciidamada markii ay goobta gaadheen intaasi kadib na ay Meesha ka dhalatay fowdo khasaare sababtay.

Dhawaqa rasaasta la is waydaarsanayo ayaa muddo kooban socotay,waxaana ay ciidamadu ku guulaysteen inay kala dareeriyaan shacabkii gadoodsanaa iyaga oo sidoo kale xidh xidhay qaar kamid shacabkii gadooday,waxaana taliyaha ciidamada Booliska gobolka Saaxil uu sheegay in uu goobta ka baxsaday Faysal Wadka oo ah ninka goobtan rabashadu ka dhacday dhisanayey.

Iska hor imaadkan ayaa waxa ka dhashay khasaare dhaawac oo dhan ilaa 10 qof oo iskugu jira labada dhinacba ee shacabka iyo ciidamada kuwaas oo xaaladooda caafimaadka lagula tacaalayo cusbitaalada magaalada Berbera.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here