Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Shaqooyin Ka Bannaanaaday Wasaaradaha Dalka, Tartan Loo Gelayo & Halka Lagu Qaadayo Imtixaanka

0
1725
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle)

Hargeysa, (HargeisaPress  — Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa dhallinyarada Shaqo-doonka ah ee Somaliland ugu bushaareeyay in 30 Boos ka bannaanaadeen Wasaaradaha kala duwan ee Qaranka.

Guddoomiye Sharmaarke oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey in 30-kaa Boos ee ka bannaanaaday Wasaaradaha kala duwan ee Qaranka loo gelayo Tartan isla-markaana Imtixaan laga qaadayo Ciddii doonaysa inay u tartanto Shaqooyinkaasi ka soo bannaanaaday Wasaaradaha Dalka.

Sharmaarke Geelle wuxuu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Dadka u tartamaya 30-kaa Boos Imtixaanka lagaga qaadi doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isla-markaana Qabashada Macluumaadka Qofka ka qayb-gelaya Imtixaankaasi la bilaabay isla Shalay oo Taariikhdu ahayd 14-ka bisha Shannaad, 2017-ka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) oo Arrintan faahfaahinayaana wuxuu yidhi “Waxaanu shaacinaynaa bandhigga 30 Kaalmood oo shaqo oo ku bannaanaaday sababaha ay ka mid yihiin Qof Shaqada ka tagay, mid dhoofay, Qof dhintay ama Qof laba shaqo isku dhex waday oo aanu ka soo qabanay, 30-kaas Kaalmood oo aan ku jirin Miisaaniyaddii 2017-ka, ayaanu Wasaarado kala duwan ka soo ururinay. Waxa Taariikh weyn noqon doonta in 30-kaa Kaalmood Imtixaankooda lagu gelayo Caasimadda Gobolka Sool ee Laascaanood. Maanta oo Taariikhdu tahay 14/05/2017 (shalay) ayay si rasmi ah u bilaabantay Qabashada CV-yada, waxayna soo xidhmi doontaa 17-ka bishan, 18 iyo 19-ka bishu waxay noqon doontaa Kala hufid, 20-ka bisha oo ku beegan Sabtida waa Maalinta Laascaanood loo fadhiisanayo Imtixaanka, 30-ka Qof ee ku guuleysta ayaa waxay Hargeysa u iman doonaan inay ka shaqeeyaan Wasaaradaha kala duwan ee Dalka. Wasaaradaha loo tartamayo ee Imtixaanka loo gelayo waxa ka mid ah Wasaaradda Madaxtooyada, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Duulista, Wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadda sare, Boosaha iyo Isgaadhsiinta. “

Guddoomiyuhu wuxuu wax ka tilmaamay Shuruudaha laga rabo Qofka Shaqooyinkan soo dalbanaya, “Shuruudaha laga rabo Qofka u tartamaya waxaanu ku baahin doonaan Wargeysyada iyo Website-yada, laakiin si guud mar (Haddaan idiinku sii sheego) waa inay yihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah, inay Jaamacado ka Qalin-jebiyeen, Laba Sawir oo (Pass Port Size), inuu haysto Caddaymaha iyo Shahaadooyinkiisa uu ku soo Qalin-jebiyey, in aanu wax dambi hore uga gelin Qaranka, Shaqo horena aan Anshax-marin looga saarin.

Waxa xusid mudan, Kaalmahaasi maaha kuwii ku jiray Miisaaniyadda 2017-ka, kuwaasi way inoo dambeeyaan, laakiin 30-kan Kaalmood waa kuwo ku soo bannaanaaday Xaaladaha kala duwan ee aan xusay. Kaalmo aan hore loo maqli jirin bay ahaayeen oo si kale ayaa loo buuxin jiray, laakiin Maanta waxaanu soo ururinay inay muuqaal Dawli ah inoo noqdaan. Maanta maaha Dad shaqo uun helaya, ee waxay Qayb weyn ka noqonayaan Quruxda Qarannimadeena.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Waxaan u Mahad-celinayaa Wasaaradaha Aqbalay inay ku shaqeeyaan Nidaamka Cadaaladeed ee Dalka. Arrintani waxay jawaab u tahay Cid kasta oo ka wer-weraysay Hay’adda Shaqaaluhu siday u fulin doontaa Cadaaladda, iyagoo Dadku u yaqaanaan ama u arkayeen in wax Adag la fuliyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waan uga Mahad-celinayaa in kulankii u dambeeyay ee aanu la yeelanay arrintani ka mid ahayd waxyaabihii aanu ku soo wada qaadnay, markaa waa inoo bushaaro dhallinyarooy.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Laascaanood markaan leeyahay Macnaheedu maaha inaanu reer Laascaanood oo keliya Imtixaanka ka qaadayno, ee Qofkii isku huba inuu Qalinkiisa ku soo baxayo waxa inoo ballan ah Laascaanood.”ayuu yidhi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY