Hargaysa: Ciidamadda Amaanka Oo Caawa Xidhay Xildhibaan Dhakool

0
1381

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ciidamadda amaanka ee magaaladda Hargaysa ayaa caawa xabsiga u taxaabay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ah mudane ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamadda booliska oo aanu xidhiidh la samaynay, xildhibaanka ayaa caawa laga soo qabtay gurigiisa magaaladda Hargaysa.

xildhibaan Dhakool

 

 

Waxaana la sheegay in hadda uu xildhibaan Dhakool ku xidhan yahay xarunta denbi-baadhista CID ee  magaaladda Hargaysa.

Sababta loo xidhay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa loo aanaynayaa hadal uu shalay ka sheegay TV-yadda maxaliga ah oo uu ku duray xuska munaasibadda 18-ka May.

Isagoo sheegay xildhibaan Dhakool in xuska 18-ka May oo qaban qaabadeedu dalka ka socoto aanay mudnayn in la xuso, isla markaana aan agu sheegi Karin maalin qaran.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in 18-ka May xuskeedda ay ka mudan tahay in la weyneeyo 26-ka June oo ah markii ay Somaliland xornimadeedda ka qaadatay isticmaarkii Ingiriiska.

Waxaanu ku dooday in 18-ka May ay tahay maalin u gaara jabhadii SNM, isla markaana  ay beelaha dega darafyadda Somaliland u tahay maalin madow oo la xasuuqay.

Halkan Ka Daawo Hadalkii Shalay Ee Xildhibaan Dhakool:

Geesta  kale xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa xiligii la doortay xukuumadii madaxweyne Cigaal sanadkii 1993-kii, waxa uu ka mid ahaa ergadii uu hogaaminayay garaad C/qani garaad Saleebaan, ee ka timid gobolka Sool.

Sidoo kale xildhibaan Dhakool, ayaa sanadkii 1997-kii, waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii golihii Wakiiladda Somaliland ee lagu soo doortay shirkii beelaha ee magaaladda Boorama.

Doorashadii golaha Wakiiladda Somaliland ee qabsoontay sanadkii 2005-tii ayaa mar kale xildhibaan Dhakool, waxaa laga soo doortay gobolka Sool.

 

Dhinaca kale,  maadaama oo uu yahay xildhibaan xasaanad leh ayaa waxa aad ay dadweynuhu isku waydiinayaan in la xidho, iyadoon weli  xasaanadda laga qaadin, isla markaana aanay guddi hoosaadka anshaxa ee golaha Wakiiladu ansixin denbiga uu galay.

Sida uu dhigayo qodobka 49-aad ee xeerka golaha Wakiiladda Somaliland oo ka hadlaya in dhawrsanaan anshax iyo sababta uu xildhibaan xilkiisa ku waayi karo.

Xildhibaan xasaanad huwan ayaan la iska xidhi Karin ilaa goluhu ka fadhiisto arrinkiisa, kadib-na marka denbigiisa lagu cadeeyo ayuun baa xilka laga qaadi karaa, lana xidhi karaa.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here