Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Iyo Sababta Loo Haysto

    0
    771
    Xildhibaan Dhakool

    Hargeysa,(HargeisaPress) —Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

    Warar rasmi ah oo HargeisaPress soo gaadhay ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay qabteen xildhibaan Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda gobolka Sool.

    Wararka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in xildhibaan Dhakool hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa isla markaana la qorshaynayo in saacadaha soo socda loo gudbiyo xarunta dambi baadhista.

    Xadhiga Xildhibaan Dhakool ayaa imanaya iyada oo aan laga qaadin xasaanadii uu lahaa.

    Sababaha ugu waa weyn ee loo aanaynayo xadhiga xildhibaan Dhakool ayaa ah hadalo uu dhawaan sheegay oo ku saabsan xuska maalinta 18-ka May ee loo sameeyo dib ula soo noqoshadii madax banaanida somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn maalin qaran balse u gaar ah ururka SNM.

    Ka dib xadhiga xildhibaan Dhakool, waxa la dhawrayaa talaabada xigta ee ay xukuumadu qaado.

    LA SOCO WARARKA DANBE..

    HargeisaPress News Desk – Hargeysa

    info@hargeisapress.com

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here