HALKAN KA DAALACO: Waraysi Gaar Ah Oo Suldaanka Guud ee Subeer Awal Kaga Hadlay Marxaladda Siyaasadeed ee Dalku Jiro iyo Khilaafka Ka Taagan Jig-jiga

0
1117

MECCA, Saudi Arabia , (HargeisaPress) — Suldaanka guud ee Beelaha  Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo kamid ah Xujaajta sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa Waraysi Khadka telefoonka aanu kula yeelanay kaga hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya  xaaladda guud ee Xujaajta Somaliland iyo gaar ahaanna Marxaladda siyaasiga ah ee dalku ku jiro.

Suldaanka Guud oo Ka Mid Ah Xujeyda Sanadkan Gudanaysa Waajibaadka Xajku waxa uu Ka Warramay Amuuro Indhihiisa soo Jiitay Oo uu Xajka Ku Arkay

Suldaanka guud waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shir dhawaan ay xubno Beeshiisa ka soo jeeddaa isugu yimaadeen wadanka Boqortooyada Ingiriiska halkaas oo ay guddi ku dhiseen. Sidoo kalena waxa uu talooyin iyo baaq u soo jeediyey in xal lagu dhammeeyo khilaaf siyaasadeed oo in dhawaaleba ka taagnaa dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo muran ku jidaysan hoggaanku ka jiro.

Suldaan Xasan oo Khadka Telefoonka Waraysi ku siiyey Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee HargeysaPress.com Weriye Shiine Cilmi Kaahin waxa ugu horeyn uu ka hadlay arrimo indhihiisa soo jiitay oo uu sanadkan ku arkay Xajka “Sanadkan xajka haddaan kaaga warramo, horta waa markii u horeysay ee aan waajibaadka diiniga ah u soo baxo, markaanu halkan [Sacuudiga] nimid waxa aanu markii aanu Maddiina ka soo baxnay ee aanu Maka Soo gaadhnay maqlay in xujaajtii Somaliland dhammaantood ka socotay meel khaas ah la dejiyay , halka xujaajtii kale ee ka socday dalka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya iyagana meel kale la geeyey, waxaana markii aan dib u waraystay xujaajteena ay ii sheegeen inay shan sanno ka hor ay sidan oo kale dhacay [la kala soocay labada dal], run ahaanna xujaaj badan oo reer Somaliland ah baa sanadkan ka qayb qaadanaya waajibaadka Dacar iyo Sooraan baa ka mid ah [Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo Abwaan/Sheekh Cabdillaahi Diiriye Cali ;Sooraan’], wasiirkii diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Baa nala jooga, ganacsato badan oo reer Somaliland ah baa nala jooga, culimaa’udiinkeenii baa jooga, waanu badanahay” sidaa ayuu yidhi Suldaan Xasan, waxaanu intaa ku daray isaga oo u ducaynaya Somaliland shacbigiisa iyo qarankiisa dhisan

“ Waxaanu ugu ducaynaynaa Qarankeenu inuu Alle SW ka yeelo mid nabdoon oo jira oo jooga, kuwii uu u dembi dhaafana Illaahay inaga yeelo”. Intaa ka dib waxa Suldaanka guud ee Subeer Awal u soo jeediyey shacbiga Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba talooyin iyo dar-daaran, waxaanu yidhi “ Waxaan ku talin lahaa in hadalkan maalmahan dembe duul-duulaya la joojiyo, wixii waxqabad ahna la soo dhaweeyo. Diiwaangelinta iyo arrimaheeduna Xukuumadday waajib ku tahay, Diiwaangelinta Madaniga ahina waxa ay soconaysaa Illaa Inta Adduunku jirayo ee uu joogayo, habeen walba dad baa dhalanaya oo dad baa dhimanaya, sharcigaas aqoonsiga ahina in mar walba la qaataa waa waajib, markaa waxba yaan laysku adkaynin maadaama oo wax mar walba soconaya ay tahay oo hawlaha qaranka Somaliland u soo kordhaya ayay ka mid tahay, xamaasaddana ha la dejiyo, wixii inoo qabsoomayana ha laysla eego oo siday u jidoobayso si degen halaysula eego, ficilna ha lagu daro oo wax ha laysla qabto, wixii mucaaridku qabyo u arkayna ha yidhaahdo halkaas baa waxaas u baahan ee xukuumaddu ha saxdo, iyaduna [Xukuumadduna] Wixii loo soo jeediyo ha qaadato, taladaydu waa taas, laakiin haddii arrintu mindi-mindi ku taag noqoto shaqadii baa inaga xumaanaysa muranka madhalayska ahina waxba ma taro ayaan aaminsanahay”. Ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdillaahi, Waxaanu Intaa ku ladhay isaga oo ka hadlaya Aqoonyahan ka soo jeedda Beesha Subeer Awal oo dhawaan shir ugu qabsoomay wadanka Ingiriiska, “Waxaan intaa ku darayaa “qolada ku shirtay Bristol 27-kii Bishan dhammaatay ee Habar Awal ee odayaasha, waxgaradka, aqoon-yahanka iyo dadka sharafta leh ahaa ee halkaa isugu timi ee guddida halkaa ku dhisaya anigu waan u mahad celinayaa oo waan soo dhawaynayaa, waanan u ducaynayaa, waayo waxa ay ka mid yihiin ummaddeena, wixii horumar ah ee jirana inay ka qayb qaataana waa mid loo baahan yahay gudo iyo dibadba”.

Suldaan Xasan Waxa kale oo uu ka hadlay Khilaaf-siyaasadeed oo muddooyinkii u dembeeyeyba ka socday dhulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu yidhi “Khilaafka beryahanba ka taagnaa Ismaamulka Soomaalida Killilka Shanaad waxaan Illaahay uga baryayaa inuu Illaahay hore uga dhammeeyo oo ay is af-garad ka gaadhaan, waayo maanta uma baahnin khilaaf intaa ka badan oo dadkaa ku yimaado, danteena iyo tooduna way isku xidhan tahay, danteenii baa halkaa taalla, waxaanan leeyahay arrinta cagta ha loo dhigo oo ha loo kaco oo Soomaalida ku dhaqan halkaasina [Kililka] dhammaantood ha u kacaan sidii Islaax looga dhalin lahaa halkaasi , waxaana xilka Koowaad saaran yahay dawladda deegaanka Soomaalida, oo aan madax-dhaqameedkoodana ka mid ahay, markaa si aan duruufo kale oo xaasaasi ahi u iman oo horumarka maanta halkaas laga gaadhay u dib dhicin khilaafka jira halkaa Islaax ha lagaga dhaliyo oo ha lagu dhammeeyo” ayuu Suldaanku kusoo gebo-gabeeyey hadalkiisa.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here