Gudoomiyaha Kulmiye Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Musharaxnimada Maxamed Biixi Yoonis Iyo Cabdicasiis Samaale

0
769

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Musharaxnimada Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ee Madaxweyne Siilaanyo ka dib, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye kala saari doono Musharaxa Kulmiye ee 5-ta sano ee Siilaanyo ka dambeysa
Muuse Biixi oo 5-ta sano ee soo socda uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo balse rajaynaya 5-ta ka dambeysa ayay sidoo kalena labada Masuul ee ay isku beesha ka soo jeedaan sheegeen inay Kulmiye iska sharaxayaan, waxaanu tilmaamay in Xisbigu kala Edbin doono.
.”Qofkasta oo xisbiga ku jira xaq waxaa uu u siinayaa,oo uu u soo galaa in lagu doorto ama aad wax doorato,qofku xaq-buu u leeyahay in uu yidhaahdo waan is sharaxayaa,go’aankana xisbiga ayaa leh,markaa qofka KULMIYE ka mid ah ee xubinimadiisu ay saxan tahay ee golaha dhaxena soo gala,xisbigana u soo dadaalay,Qofku hadduu yidhaadho waan is sharaxayaa oo guddoomiyaha waan kula tartamayaa,xisbiga ayuunba na kala saaraya oo sida lay edbiyey  [madaxweynaha looga reebay] ayuunba laysu edbinayaa”Ayuu yidhi Muj:Muuse Biixi Cabdi oo U Waramay Universal Tv.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu weriyuhu sii su’aalay inuu cadeeyo mawqifkiisa ayaa yidhi :“Horta maxaa loo loolantamayaa, waa murashaxnimada madaxtooyada soo maaha, madaxweynahu murashax ma yahay aniga ma isqabanay oo xisbiguna edebso ma i yidhi oo ana ma qaatay, aniga oo waliba niyadsan oo imikaba la shaqaynaya madaxweynaha oo waliba dhisayna, maxaa lagu loolantamayaa. Ninka imika loolan wadaa waa xagee dee maba jiro ninkaasi, dad ayuunba wax buun buuninaya ee xagee banaan ee loo ordaa. Nimanka odayaasha ahna(Samaale iyo Biixi),waxay yidhaahdeen marka uu Siilaanyo dhamaysto wakhtigiisa, ana markaa wakhtigaygu waa uu dhamaanaya oo shantayda sano waa ay dhamaanaysaa oo kayga ayaaba ka hor dhamaanaya, kuwa Siilaanyo, dee marka Shanta Sano ee danbe la doorto, aniga hortaybuu teeramkayga guddoomiye nim dhamaanaya waa 2020-ka dee barigaa yaa joogaya,waxaanan uun u arkaayey rag odayaala oo fiican oo muxtaramiin ah,aqoona leh,dad wanaagsana oo xisbigayaga ah,oo wasiiradana meelahii ugu sareeyey haya,haddii ay yidhaahdeen madaxweynaha waan ixtiraamaya,guddoomiyahana waanu ixtiraamaynaa oo labadaba teeramkoodu waanu u daynay oo ah 2020-ka dee waa ahlan wasahlan, markaana sharciga ayaa u ogal in ay doodaan”.

Muuse Biixi oo la waydiiyay inuu taageero badan ku waayay u tanaasulkii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi “Maxaan ku danaystay anigu, dee guddoomiyahii xisbiga ayaan ahaa, Madaxweynaha waxaan idhi waan kula tartamayaa,madaxweynahiina waa uu iga guulaystay, oo waa layga helay. joogbaa lay yidhi.Tusaale ayaan ku siinayaa Obama iyo gabadhii Hillary Clinton doorashadii hore yaa ka dagaal badnaa oo ka qaylo badnaa, ma tartameen in ay u soo baxdo miyaanay ahayn murashaxnimada Maraykanka, dhaqaalaha intaas oo malaayiin ma galiyeen, intaas Tv-ga ma doodayeen, ma loo codeeyey oo ma la yidhi Clintoneey hadh, wasiir arrimo dibadeed ma noqotay, dee waa kaa xisbi nimadu, qofka leh banaanbuu nagaga tagay, xisbigiisii-buu ku jiraa, waa KULMIYE, madaxweynahiisa uun ha la doorto, maxaa dhacay ma wax weyn oo dhacay ayaa jira, xisbigu waa uu duuban yahay taladii dalka waa uu hayaa, maxaa la doonayaa, markaas hore qofkaas ayaanay daacad ka ahayn malaha taageeradiisu,muxuu doonayaa in lays khilaafo miyaa,oo aad tidhaahdaan waa idin kii kala yaacay”Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here