Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Daah-furka Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyayaasha ee Gobolka Awdal + SAWIRRO

0
1659

Boorama , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal.

Xaflad ballaadhan oo ka dhacday huteelka Rays ee magaalada Boorama maanta oo ay ka qaybgaleen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro ka tirsan xukuumadda, madaxdhaqameed iyo shaqaalaha fulinaya hawsha qaybinta kaadhadhka codbixinta.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xafladda waxa uu si qoto dheer oo bisayl siyaasadeed iyo aragti qumman leh ku salaysan ugaga hadlay hannaanka doorashooyinka, dimuqraadiyadda, faa’iidooyinkeeda iyo caqabadaha soo wajaha iyo xalka mar walba lagaga bixi karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here