Guddida Siyaasada Ee Xukuumada Oo Kulan La Qaatay Hay’addaha Dawlada Ee Shaqadoodii Shakhsiyaadka Lagu Wareejiyey

0
5204

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan hawleed ay soo agaasimeen guddida  siyaasadda iyo dhaqaallaha iyo siyaasadda ee golaha wasiirrada  oo  lagu qabtay magaallada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay qorshe qayb ka ah barnaamijka   heer qaran ee ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ugu talo gashay inay kula soo wareegto adeegyadii dawliga ahaa ee maamulladii talada uga horreeyay xukuumaddani u gacan geliyeen shakhsiyaad iyo shirkado ganacsi.

Kulankan oo la isugu keenay dhammaan hay’addaha ay khuseeyaan adeegyada dawliga ah ee gacanta qaranka ka maqan ayaa lagu soo bandhigay qaabka ay xukuumadda madaxweyne Biixi u qorsheysay in ay kula soo wareegto adeegyada ay kamid yihiin Ruqsqadda dirawalnimada gaadiidka oo cid gaar ahi bixintiisa kooto ugu xidhnayd, summada taarikada [bilaydhka lambarrada] gaadiidka, buuga baabuurka, baasaaboorka,  Waraaqda  cashuurta wada marista, iyo kuwo kale oo badan, waxaana shirkan ay fadhiyeen hay’adaha iyo laamaha ay khuseeyaan adeegyadani lagu wargeliyey in ay u diyaar garoobaan bilowga hawl-gal baaxad leh oo xukuumaddu u dhan tahay oo lagu soo xero galinayo dhammaan wixii adeeg qarankan kaga maqan cid gaar ah.

Shirkan waxaa fadhiyey wasaarado ay kamid yihiin wasaaradda jidadka, wasaaradda maalliyada, arrimaha gudaha, waaxda socdaalka, ciidamada amaanka, wasaarada hawlaha guud, caafimaadka, madbacadda qaranka IWM.

Shirkan ayaa daba socday fulinta qorshe ay xukuumaddu ku meelmarinayso ballanqaadkii uu madaxweyne Biixi ku galay doorashadii madaxtooyada iyo barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku soo galay ololihii doorashada, kaasi oo ay ku suntanaayeen in adeegyada qaranka loo sinnaan doono gacan ku hayntooda isla markaana ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ka dhalanaysaa meesha ka saari doonto in cid gaar ah lagu naas nuujiyo wax qaranku u siman yahay.

Shirkan ayaa wejigiisa labaad iyo saddexaad la isugu iman doonaa maalmaha soo socda sida ay sheegayaan wararka laga helayo hawl galada xukuumadu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here