Gudaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Oo Ku Taliyay In La Kala Saaro Arrinta Guddiga Doorashada Iyo Khilaafka Wakiilada, Kana Digay Xumaynta Xidhiidhka Deeq-

0
986

Faysal Cali WaraabeHargeysa, (HargeisaPress) — Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa dadka Xukumaddu ka iibinayso Rugta Akhriska ee Gaandi Library u soo jeediyay inay ka xishoodaan Bulshada islamarkaana aanay Iibsan Goobtaasi Akhriska. Waxa uu sheegay inay tahay meel aad ugu haboon Akhriska una baahan dib u dhisid iyo casriyayn.
“Horta Ninka Gaandi la odhan jiray wuxuu ahaa Raggii halgankii Gobonimo doonka ka soo qayb gaatay,waa Raggii Ururkii SYL u soo halgamay,wuxuu ka mid yahay raggii aasaasay Tacliinta.waxaan ka xumahay dadka markii horeba Library-ga sameeyay, waxay ahayd in la dumiyo meesha oo Library Casri ah oo qurux badan aynu ka dhisno, waa Magaalada Badhtankeedii, waa meel aad u mihiim ah oo ku haboon Library” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu soo jeediyay in meeshaasi laga dhigo Xarun akhris oo habaysan “Imika waxaan leeyahay goobtaas halaga dhigo City Center Library oo reer Hargeysa oo dhami ha dhiseen.Dawladda waxaanu leenahay Faraha ka qaada,halkan Shacbigaa leh,dhulkaas waanu dhisi doonaa Insha Allah,Reer Hargeysa ayaa sida Masaajidada loo dhiso u dhisi doona oo Lacag u Ururin doona.waa Magaalada badhtankeedii waa meel ku fiican In Library Dadweyne laga dhiso(Public Library),Dawladdana waxaanu leenahay faraha ka qaad.
Ciddii doonaysa inay Iibsato ee Damaaciday Library-ga waxaanu leenahay ka xishood Shacbiga, Shacbiga ha laga Xishoodo,Gaandi ha laga xishoodo, dadkeena Taariikhda lehna ha laga xishood.Umad baynu nahay ee haddaynaan Dadkeenii Taariikhda lahaa Cissaynin dee waxaa la idiin bixin doonaa Xaawo taako maydhan, Wallaahi in Magacyadii shisheeyaha la idiin bixin doono,markaa Gaandi daaya ayaanu leenahay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here