Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansxiyay Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka iyo Xildhibaanada Caynaba oo Ka Horyimi

0
930

Hargeysa,(HargeisaPress)- Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka oo waxka badalka badan lagu sameeyay.

Xildhibaanada golaha ayaa wakhtigii ansixinta xeerka waxaa hadheeyay buuq iyo sawaxan balse cod loo qaaday ayaa lagu meel mariyay.

Waxyaabaha la bedelay ayaa waxa ka mida in Maayirada iyo ku xigeenadooda xilka lagaga qaadi karayo oo kaliya cod hal-dheeriya, halka markii hore ay xilka qaadi karayeen oo kaliya sadex dalool oo laba meelood.

Sidoo kale, Waxaa la yareeyay Xildhibaanada goleyaasha Deegaanka oo hada loogu yeedhi doono xubin gole deegaan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada laga soo doorto magaalada Caynabo ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay ansixinta xeerkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here