Gaadiid Shixnaddo Kasoo Rarey Dekedda Berbera Oo Lagu Xanibey Kaantaroolka Galbeed Magaalada Berbera + SAWIRRO

0
1319

Berbera ,(HargeisaPress)—Boqolaal kamid ah Gaadiidka Shixnadaha Alaabaha kala Duwan kasoo qaadey Dekedda Magaalada Berbera ayaa markii u horeysay, Amar Xayiraad ah loogu Xanibay Barta Kaantarooka Dhinaca Galbeed ee jidka usoo baxa Caasimada Hargeysa kuwaas oo dul hoganaya Wakhti Xaadirkan Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Berbera.

Dirawaliinta Gaadiidkan iyo Ganacsatadda kasoo Rartey Dekedda oo in mudo ah Raadinayay Sababta dhabta ah ee loogu Xanibey Kaantaroolka Galbeed ee dhinaca Hargeysa looga soo Baxo ee Magaalada Berbera, ayaan Saacado badan ogaan halka uu.kasoo baxey amarka Xanibaadda Gaadiidku haseyeeshee, Markii Dambe Waxa loogu sheegay in Amarkan Xayiraada ahi kasoo baxey Taliska Ciidanka Nabedgelyadda Wadooyinku islamarkaana, la Cabirayyo Culayska iyo Tanka Agabka ay Gaadiidkani Sidaan oo la Qiyaasayo.

Ilaa iyo hadda lama Xaqiijin karro in Talaabadani tahey mid ku Siman amarka Taliska Ciidanka Nabedgalayadda Wadooyinka Gobolka Saaxil Lagu Sheegay, iyo in ay Tahey mid ay Xukuumada Dhexe lka Warhayso islamarkaana, lagu qiimaynayo Coojka Gaadiidkan iyo Jidmakarkooda, iyadoo dad badani hadalhayaan in Amarkani ay ka Dambeyso Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka oo Go,aano Cusub kusoo Rogtey Gaadiidka Xamuulka ah ee Rarka kasoo Qaadda Dekedda Berbera.

Talaabadan ayaa keentay in ay Gaadiidka Dirawaliinta ka masuulka iyo Ganacsatadda Agabka kasoo rarey Dekedda Berbera ay si xoofan uga cabanayaan Xanibaada lagu soo Rogey Gaadiidka Maadaama aaney, awoodi karin in Wakhti intaa leeg laga Lumiyo Shixnadaha Ganacsi ee u Gudbi lahaa Dhinaca Caasimada Hargeysa iyo Magaalada Tog-Wajaale.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here