Duqii Degmadda Xariirad Oo Uu Daad Qaaday + Wasiirka Ciyaaraha Oo Laga Badbaadiyay

0
1391
HargeisaPress Breaking-News..

XARIIRAD, (HargeisaPress) — Allaah Haw u naxariistee waxa uu daad qaaday Duqii Degmadda Xariirad Abokor Xasan Guuleed oo ay wada socdeen Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland, kuwaas oo ka yimid magaaladda Boorama isla markaana ku sii jeeday degmadda Xariirad.

Gaadhiga ay la socdeen labada masuul oo ay wehelinayeen askarigii iyo darawalkii ayaa xilliga uu daadku qaaday waxa ay marayeen meel u dhaxaysa Magaalooyinka Qolujeed iyo Boon,  sida uu ku soo waramay Wariyaha HCTV Ee Magaaladda Saylac, waxaana la soo badbaadiyay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Waabari Rooble, Dirawalkii iyo Askarigii, hasayeeshee Mawjadaha ayaa dhuftay Duqii Degmadda Xariirad Marxuum Abokor Xasan Guuleed, kaas oo maydkiisa ay soo heleen dad u soo gurmaday.

Marxuumka ayaa iyo xubnihii wehelinayay ayaa loo soo qaaday dhinaca degmadda Xariirad, halkaas oo ay marka horeba ku sii socdeen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here