Waxaan Badiyaa Saliga Sideed Iyo Tobanka May By: Maxamuud Cabdi Yuusuf (Tawakal)

0
1027
Maxamuud Cabdi Yuusuf (Tawakal)

Waxaa  igu dhaliyay Maansadan  in aan  hogotusaalayn u sameeyo bulshadda  aan ka tirsanahay,  qodobadan soo soo socda waxaanay kala yihiin sidan :-

1- Markaan arkay siday bulshadu u moogantahay halgankii iyo waayihii qadhaadhaa ee la soo maray dalkan jsl .

2- Markaan arkay bulshadu siday  ula fududahay maantana in lageeyo Xamar mar labaad .

3- Markaan arkay in bulshada ay ku jiraan dad sifo qaldan u wada qaranimada aynu ku naaloonayno in badan

4- markaan arkay ilaa hadda  in aanay bulshadu u bislayn  qaranimada,  dib-na  aanay  u eegin taariikhda dalka, kana dhexmaqan tahay arrintaasi  iyo inay is-barbardhig ku sameeyaan  waayihii  hore iyo ta maanta .

5- markaan arkay inay meesha ka maqan tahay talo-wadaagii ka dhaxaysay bulshada iyo xukuumadda oo meesha ka maqan .

6- markaan arkay waayaha  dhabta ah  ee  ka jira  dalka iyo inuu ku sababi  karo dhib qaranimadeenna  curdinka ah   waxyeeli karta.

Ka dib markaas ayaan  go’aan saday maansadan, oo  magaceeda   la yidhaahdo   (Waxaan badiyaa saliga sideed iyo tobanka May).

Sidan ayaanay ku bilaabantay:

1-Waxaan ku suntanay waxqabad

2-Waxaan  usurmiyay bulshadan

3-Waxaan  usadqeeyay qaran  sabadan soomaaliland

4-Waxaan soodhka uula baxay inaan gaadho samaan

5-Waxaan soorta   uuga  go’ay  inaan saamigaygi lumay lasoo noqdo saadanbaba  haddii kale waan silanay

6-Waxaan badiyaa saliga  sideed  iyo tobanka may

7-Waxaan suuroobi  karin  sarkaal waan noqonayaa

8-Waxaan uga kacay salliga  sidaynu wax u dhisnaa

9-Waxaan  ku qoray sadriga samee sanca aan la arag

10-Waxaan necebahay safaad

11-Waxaan  ka siqaa naxliga

12-Waxaan seeraa kalgacal

13-Waxaan eegaa  samada

14-Waxaan saadaaliyaa siday waayuhu yihiin

15-Waxaan soohaa xadhkaha

16-Waxaan saldhig uga dhigaa sinaanta dadkayga  idil

17-Waxaan seefta ula tagaa   saboolka dadkayga dilay

18-Waxaan  usugaa bulshada  sarayn iyo magaca guud

19-Waxaan saaxiib  la’ahay  intii sama heena jecel

20-Waxaan sardhiyaa marqudha markay siraheena guud dhammaan suuqa wada galaan

21-Waxaan bulshadeena siman  saylac , ilaa sool iyo sanaag waxaan samad uga baryaa  sareedada rabbi balaqay.

22-Waxaan soo jeedin rabay dadyahaw  saxa maanka guud

23-Dadyaw sixir bararka jira

24-Dadyaw sarifkeenan kacay

25-Dadyaw  sayladeenan xidhan

26-Dadyaw surimadeenan  go’an

27-Dadyaw  soomal haadkan  jira

28-Dadyaw sofdaran habawga

29-Dadyaw sixun  udhaqaaqa

30-Dadyaw saran seerkan dhacay

31-Dadyaw sababahan qarsoon

32-Dadyaw sidan ay waxyiin  ka saara sirtan dahsoon

33-Dadyaw soorteenan taal bakhaaradan samada maray  haloo soo gado bulshada haddii kale waa sabool .

By : Maxamuud Cabdi Yuusuf (Tawakal)

063-4042101,063-3281759 .

Email: Abdicase1@Outlook.com    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here