Dowladda Hoose ee Hargeysa oo Fulisay Amar Xukuumaddu ka soo Saartay Bannaynta Goobaha Biyo-mareenada la Dhistay

0
866

Faahfaahinta khasaaraha roobkii ka da’ay Caasimadda Hargeysa oo sii kordhay + go’aammada ka soo baxay Xukuumadda Somaliland iyo tallaabooyinka la qaaday

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa amar ka soo saartay in la banneeyo dhammaanba goobaha biyo-mareennada iyo laagaha ah ee ay dadku u xidheen sifaha sharci-darrada ah, taasoo sababtay in daadka roobku ku tahaan guryo iyo meherado badan oo ku yaal magaalada Hargeysa, isla markaana khasaare xooggan ka dhashay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in masuuliyiinta Xukuumadda iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa ay kormeereen goobaha khasaaruhu ka dhashay iyo meelaha sababta ah u ahaa in daadka roobku guryo iyo meherado kala duwan dib ugu fataho, goobaas oo isla gelinkii hore ee shalayba la bilaabay in la dumiyo, lana banneeyo.

“Waxa aannu saaka (shalay subax) kormeer ku soo wada marnay dhammaanba goobihii uu khasaarahani ka dhacay, markaa asbaabaha ugu badan ee sababtay khasaarahan waxa ka mid ahaa dhulkii biyo-mareenka ahaa (drainages) ee ay biyaha magaaladu mari jireen oo dhammaantood la wada xidhay, kadibna ay biyihii isku taageen, dabadeedna ay sababeen in biyuhu ay xaafado dhan dib ugu noqdaan, meherado iyo magaalo dhan oo aanay biyuhu hore u mari jirina ay maraan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo ka mid ah shirkadaha laydhka oo dadkaas dhimashada ah laba qof loo tirinayo inay laydhka ku dhinteen, iyadoo ay laydhadhkii hore ee gaboobay (xadhkaha laydhka) ay weli ku wada xidhan yihiin magaalada gudaheeda oo aan laga furfuran, sidoo kalena laydhku uu si khaldan isku dhexmarayo.”

“Waxyaabaha kale ee khasaaraha ugu waaweyn dadka gaadhsiiyey waxa ka mid ahaa laagaha meelaha dhawdhaw dooxyada biyaha kaga fura oo ay dadkii degaan caadi a ka dhigteen, kuwaasoo doonaya inay hadhaw si rasmi ah uga dhigtaan dhul ay degaan iyo dad kale oo degaya meelaha ay marayeen biyaha saa’idka ah (dheeraadka ah) ee dhaamamku oo horena khasaare u keenay, xalayna (habeen hore) laga badbaadiyey. Waxa kaloo ka mid ah gaadiidka yaryar iyo gaadiidka waaweyn ee xammuulka oo aan maqlayn ciidammada booliska ee uga digaya inay ka joogayaan dooxyada iyo meelaha biyo-mareennada ah.”

“Waxa aannu ka soo saarnay go’aanno, waxayna go’aannadaasi odhanayaan’

  1. In la banneeyo dhammaan meelaha biyo-mareenka ah (drainages), laagaha biyuhu maraan ee magaalada gudaheeda ee dadka ganacsatada ah ama aan ganacsatada ahayn ay awdeen (xidheen), kuwaasoo ay bannaynayaan Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa iyo Dowladaha Hoose ee dhammaanba magaalooyinka dalku inay banneeyaan meelaha laagaha iyo biyo-mareenka ahaa dhiska laga dul sameeyey, ciddii ka hortimaadana tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa.
  2. In Shirkadaha Laydhku ay khadka ka saaraan xadhkihii laydhka hore loo isticmaali jiray ee gaboobay iyo in Shirkadaha Laydhku ay sameeyaan kooxo wareegga oo gurmad ah, gaar ahaan xiliyada ay roobabku da’ayaan ee laga baqayo in dhibaato laydh ay dhacdo. Waxa kaloo Shirkadaha Laydhka looga baahan yahay inay samaystaan telefoon lambar loogu talogalay gurmadka degdeg ah oo si joogto ah u shaqeeya, si loogala xidhiidho marka la arko dhibaato.
  3. Shirkadaha Laydhka waxa aannu faraynaa in aanay wax laydh ah u gelin guryaha iyo meheradaha la yimaad xadhko tayadoodu liidato. Dadkana waxa aannu leenahay xadhig yar oo jaban oo saddex bilood khasaare kugu keena, dhibaato kalena keenaya in aydaan isticmaalin.”

Waxa kaloo uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ugu baaqay shirkadaha iyo ganacsatada sida khaldan u xidhay, isla markaana dusha sare uga dhistay goobaha miyo-mareenka ah inay si buuxda ula shaqeeyaan hawlwadeennada Dowladda Hoose ee bannaynaya goobahaas xidhmay, sidoo kale ay waantoobaan inay xidhaam meelaha loogu talogalay in biyuhu maraan.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sidoo kale ka warbixiyey khasaaraha guud ee ka dhashay roobkii ka da’ay Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Khasaarihii xalay (habeenkii Salasada) aynu haynay waxa ku soo kordhay hal qof oo dhimasho ah oo dhimashadu markii hore waxay ahayd 5 qof, laakiin qof dumar ah ayaa maydkeedii saaka (shalay subax) la helay, markaa dhimashadu imminka waa 6 qof, dhaawaca aynu ilaa imminka haynaana waa 12 ruux oo intooda badan dhaawacoodu wuu wanaagsan yahay oo halis maaha. Waxa aad u fara badan gaadiidka ku burburay ee ku baaba’ay roobkaas oo tiradoodu gaadhayso ilaa 12 baabuur, halka ay Ciidammada Booliska iyo Dab-damisku ay soo samo-tabixiyeen ilaa 50 kale oo gaadiid ah. Guryaha khasaaruhu soo gaadhay waxay u badan yihiin guryo uu jiingadda ka qaatay iyo dayrar dumay, tiradooda guryahaas weli way filiqsan yihiin oo waa la soo ururinayaa xogtooda, hasa yeeshee waxa nasiib-wanaag ah in aanay jirin wax dad ah oo ku dhimatay guryahaas uu roobku waxyeelada u gaystay oo dadkii ku jiray dhammaantood way ka wada badbaadeen.”

Geesta kale, Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa isla gelinkii hore ee shalay bilaabay inay banneeyaan qaar ka mid ah goobaha biyo-mareenada ah (drainages) ee dusha sare laga dhistay, iyagoo hawlgalkooda ku bilaabay biyo-mareenka ku xidhan dooxa weyn ee dhexmara xaafadda Goljanno ee Degmada 26-ka June, taasoo kadib markii ay xidhantahay khasaare xooggan gaadhsiisay guryo iyo meherado ganacsi oo uu ku fatahay daadkii roobku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here