Tartankii Quraanka Kariimka ahaa ee Shirkadda Dahabshiil Oo Hargeysa Lagu Soo Gunaanaday + SAWIRRO

0
1363

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Masaajidada Cali Mataan iyo Rusheeye waxa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay maalgaliso shirkadda Dahabshiil Group. Tartankan oo ah ka ugu taariikhda dheer tartannada Quraanka Kariimka ah ee Somaliland waxa furitaankiisa ka qayb galay ardayda ku tartamaysau oo ka kala socda gobollada Somaliland, guddida xeer beegtida ah, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, masuuliyiin shirkadda Dahabshiil ka socday iyo dadweyne kale.

Cabdifataax Ibraahim Yuusuf oo ka socday gobolka Maroodijeex ayaa ku guulaystay kaalinta 1-aad ee 30-ka Jis ee Quraanka Kariimka ah waxaanu ku guulaystay Xajka iyo lacag abaalmarin ah;

Waxa kaalinta labaad galay Maxamed Haybe Cali oo ka socday gobolka Maroodijeex oo isna la guddoonsiiyay qaddar lacageed oo dhan 1300 doollar iyo abaalmarino kale;

Waxa kaalinta saddexaad galay Cabdiraxmaan Nuur Cumar oo ka socday gobolka Maroodijeex oo isna la siiyay 1000 Doollar iyo abaalmarino kala duwan.

Sidoo kale 15-ka Jis waxa kala galay Mukhtaar Cabdisamad MuxumedCabdiqaadir Muuse Cilmi iyo Cabdiraxmaan Faarax Cabdillaahi

Sheekh Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha guud ee tartannada Quraanka Kariimka ah ayaa faahfaahin ka bixiyay tartankan “Tartankani waa tartanka ugu da’da weyn tartannada lagu qabtay Somaliland, waa tartan soo bilaamay 1992-kii. 1992-kii ilaa 1999-kii waxay ahayd tartan bilaw ah oo mararka qaarkoodna duruuftii dalka ka taagnayd inaga joojisay, wixii 1999-kii ka dambeeyay ilaa sanadkaa maanta ah ee 2019 waxa si toos ah u maalgaliya oo runtii ducada iyo ajarka ka shaqaystay ardayda yaryar ee la dhiiri gelinayo shirkadda Dahabshiil,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Sheekh Maxamed Aadan guddoomiyaha guud ee tartannada Quraanka Kariimka ah waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay faa’iidooyinka uu keenay tartanka Quraanku “Wuxuu runtii tartankani keenay guulo badan; waxaa ka mid ah in dhallinyartii ku dhiirratay in ay Quraankii Kariimka ahaa xiftiyaan, waxa ka mid ah iyada oo dhallinyaradii gobolladu is barteen, jaa’isadaha lagu bixiyo waxa ugu qiimo badan in ardayga ugu sareeya la gayn doono xashka, xaaji yar oo Quraanku kor u soo qaaday oo isaga oo yar karay in uu xajo waa qiimo weyn,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Maareeyaha Xawaaladda Dahabsiil Md Cabdi Faarax ayaa ka hadlay doorkooda tartanka Quraanka “ Anagu haddii aanu shirkadda Dahabshiil nahay waxaanu diyaar u nahay ilaa inta shirkaddu jirto in aanu camalkan wanaagsan ka qayb qaadano oo uu socon doono, marka waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinaya sida wanaagsan ee aad u soo agaasintaan, sida wanaagsan ee rag iyo dumarba uga qayb galisaan, sida wanaagsan ee dhallinyaradu Quraanka u akhriyaysay runtii qofkii damiir leh qalbigiisa dhaqaaqaya ee Alle khayr ha idin siiyo,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ammaanay tartankan Quraanka Kariimka ah “Waxaynu isugu nimid in aynu tartankaa Dahabshiil ee soo jireenka ah ee faca weyn leh ee tartannada Quraanka oo dhammi ka farcameen ee lagaga dayday in aynu mar kale Ramadaanta isugu nimaadno in aynu ku karaamayno oo ku maamuusno ardaydii kaalmaha hore ka gashay akhriska, xifdiga iyo tajwiidka intaba. Waxaan Illaahay ka baryaya in uu macallimiintii wax soo bartay karaamada siiyo waalidkoodna dhaxalsiiyo.”

Culimo kale oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa ammaanay tartanka Quraanka Kariimka ah kana hadlay faa’iidada uu u leeyahay kor u qaadista Quraanka iyo dhiiri gelinta Ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here