Dalladda SONYO Oo Agab ciyaareed ugu Deeqday Dhalinyarada Gobolka Sanaag

0
1461

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa Guddonsiisay Wasaaradda Ciyaaraha Agab Ciyaartooy oo loogu Talo galay gobalada Sanaag Gaar ahaan Magaalooyinka Ceerigaabo,Badhan,Ceel-afweyn iyo Garadag.

Munaasibad Kooban Oo Ka Dhacday Xarunta Dallada Ayaa waxaa ka Soo Qeyb Galay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Mudane.Yuusuf Mire Maxamuud (Boos) oo horkacaya Qaar ka mida Sarakiisha Wasaaradiisa iyo Guddomiyaha & Guddomiye Ku Xigeenka Dallada SONYO Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Khaalid Cali Axmed Iyada oo sidoo kale uu Goob Joog Ka Ahaa Agaasimaha Fulinta Dallada Sonyo Cumar Cismaan Miigane.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA

https://youtu.be/jqIgJ6EcRFc

 

LEAVE A REPLY