Wariyeyaal ka hawlgalla Radio Hargeysa iyo TVga Qaranka Somaliland oo lagu eryay inay baraha bulshadda wax ku qoreen

0
1293
Wariyeyaal Sacad Foodcade iyo Ciise Shiine xaashi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Qaar ka tirsan hawl wadeenada wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa shaqadii laga eryey bishii november ka dib markii lagu eedeeyey inay facebook ku qoreen fikirkooda iyo rayigooda kuwaas oo ay dhibsadeen masuuliyiinta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta jsl shaqalahan la eryay oo ka kooban 3 wariye oo ka kala hawl gali jiray tvga qaranka iyo radio Hargeisa ayaa kala ahaa Sacad Foodcade, Ciise Shiine xaashi iyo abwaan guuleed kuwaas oo laba kamida lagu haysto ama lagu eryey arimo la xidhiidha facebook waxaana erigooda loo cuskaday aflagaado madax.

Balse shaqaalahan la eryay ayaa xaq u lahaa in digniin la siiyo ama la horgeeyo gudiga anshaxa si wax looga waydiiyo sabab lagu eedaynayo sida uu dhigayo sharciga shaqalaaha dawlada somaliland, erigoodana wuxuu baal marsan yahay sharciga u yaala hayeda shaqaalaha dawlada somaliland kuwaas oo aan loo marin wixii ay xaqa u lahaayeen iyagoo mudo badan oo tobanan sano ah ka shaqaynayey wasaarada warfaafinta. Isku soo wada duuboo wasaarada warfaafinta ayaa sanadihii ugu dambeeyey uu ka jiray buuq iyo jawaha wareer ku dhisan maamul xumo iyo is qabqabsi. Kuwaas oo la kowsaday xukuumada madaxwayne mudane muuse biixi cabdi

Guntii iyo gabogabadii khilaafka aan dhamaanayn ee ka soo baxa wasaarada warfaafinta ayaa salka ku hayo  cabasho la xidhiidha wasiirka warfaafinta cabdiraxmaan guri barwaaqo iyo agaasimaha maamulka ee wasaaradaasi kuwaas oo ay shaqalaha wasaarada warfaafintu u arkaan sida ay wax u wadaan maamul xumo iyo cadaawad ay shaqalaha u qabaan taas oo ka dhalatay fadeexadii buugii uu qoray wasiirka warfaafintu iyo agaasimaha maamulka oo shaqalaha ka tirsanaya inay lidi ku yihiin xilka uu ka hayo wasaaradaasi.

Shalay ayay ahayd markii Lix wariye oo ka hawlgalla wasaarada warfaafinta ay  hortageen gudida anshaxa ee wasaarada.

Lixdan wariye ayaa lagu eedeeyey inay like ama commenta ama share ku sameeyeen qoraalo lagu durayo xukuumadda.

Waa markii ugu horeysay somaliland ee arrimahaasi la isku soo eedeeyo. Gudidan ayaa go,aankeeeda la sugayaa.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY