Daawo Muuqaal: Xaflad Balaadhan Oo Lagu Xusayay Munaasibada 18 May ayaa lagu qabtay Deegaanka Washington D.C.

0
893

Washington,D.C, (HargeisaPress) — Waxaa habeenkii xaly ahaa ka dhacay magaalada Virginia xaflad siwayn loosoo agaasimay oo lagu xusayay maalinta 18 May oo ah markii Jamhuuriyada Somaliland ku dhawaaqday inay ka baxday midowgii ay dalka Somalia lagashay sanadkii 1960kii,kadib markii midowgaa lagu guul daraystay.

Hadaba waxaa xaflada xalay goobjoog ahaa tiro aad u badan oo ka mid ah jaaliyada reer Somaliland eek u dhaqan labada gobo ee Virginia iyo Meryland iyo degmada Washington,D.C ee caasimada dalkan Maraykanka,sidoo kale waxaa xaflada soogay dad kale oo iyagu ka yimi gobolada dalka Maraykanka oo u yimi sidii ay xaflada uga qaybgelilahaayen.

Dhanka kale waxaa xaflada lagu soo casuumay madax sare oo ka socotay xukuumada Somaliland sida afhayeenka m/weynaha j.Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul oo isagu maalmahan booqasho ku maraya dalalka waqooyiga Maraykanka,waxaa iyana goobjoog ahaa safiirka Somaliland ee carigan Maraykanka Md Rashiid Gaaruf,gudoomiyaha horumarinta gobolka Togdheer Md Adan Dheri,gudoomiyaha jaaliyada Somalilnad ee Maraykanka Md Xaashi Ismaciil,gudomiyaha jaamacada Hargaysa Dr Cabdi Xussien Gaas iyo Md Maxamed Maxamuud Hami oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ee dalkan ku nool.

Madaxda xaflada ka soo qaybgashay dhamaantoon waxay ku dheeraadeen taariikhda iyo qiimaha ay maalintaninleedahay iyagoo dhamaan hoosta ka xariiqay inaan dib looga noqonay xoriyadaa manta shacabka Somaliland ay haystaan oo aan bilaash lagu helin isla markaa shacab iyo xukuumadba diyaar looyahay sidii loo difaacilahaa maalintaa.

dhhul usa

Afhayeenka M/weynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday warbixin uu dalka ka siinayay jaaliyada iyo weliba talooyin uu u soojeedinayay isaguu u sheegay inay dalkoodii ku xidhmaan oo ay tamartooda iyo aqoontoodaba looga baahanyahay isla maraa ay ku sooceliyaan.

Waxaa isna ka hadlay shirka fanaanka wayn ee Sir Maxamuud Cumar oo ku dheeraaday laba qodob oo kala ahaa in dalka maraykanka laga furo xafiis jaaliyada u adeega oo qabta shaqo tan hada kabadan,sidoo kale wuxuu sheegay in dalkan Maraykanka ee jaaliyadu ku nooshahay waa in la ixtiraamaa shuruucdiisa iyo nabadiisa.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynayaa intii aan ka gaadhno hadaladii madaxda iyo aqoonyahanka ee xaflada ku sugnaa.

 

 

Weriye Saciidjamaal…Washington,D.C

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here