Daawo Muuqaal: Kulankii Wasiir Cukuse iyo Shaqaalihii Cabashada Sameeyay

0
832
Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md Cabdilaahi maxamed daahir Cukuse ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Shaqaalaha wasaaradda qaar ka mid ah kuwaas oo maalmihii u dambeeyey cabashooyin muujinayey.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa kadib kulanka saxaafadda u sheegay inay suuro gal tahay cabashada shaqaaluhu balse aanay ahayn mid loo kasay. Wasiirka oo saxaafaddu waydiisay waxa keenay cabashada shaqaale weynaha wasaaradda ayaa yidhi:-

“Adeer horta shaqaale weynihii oo dhan maaha ee saaka waad nala joogteen, Suxufiguna wuxuu indhihiisa ku arkayay inuu ka run sheego ayaa muhiim ah. Halkan waxaa ka shaqeeya lix boqol iyo dhawr iyo sodon qof(632), markaa intaad halkan ku arkayseen may ahayn Lix boqol oo shaqaale mudaharaadsan ah, waxaanse kuu sheegayaa inay jiri karaan shaqaalaha qaar cabanaya iyo qaar aan cabanayn labadaba”

Wasiir Cukuse ayaa iftiimiyay halka cabashada shaqaaluhu salka ku hayso “Meesha cabashadu ka soo baxaysaa waxay tahay, waxaanu hore u samaynay guddi dib u hayneed, Guddidaasi waxbay soo go’aamiyeen, markaa wixii ay soo go’aamiyeen ee ahaa caddaalad u samaynta shaqaalaha dhexdooda, ayaa waxa dhici karta in qaarkood dhibsadaan, waxaa ka soo bixi karta khaladaad,waxa ka soo bixi kara in inta badani xaq tahay oo fiican tahay. Si kasta oo ay tahay waxaanu diyaar u nahay inaanu saxno, waxaanan u saaray Guddi 7 qof ah oo iyaga ka mid ah oo dib u eega go’aamadii gudida iyo siday u xaq soortay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Shaqaalaha ayaa markii ay Masuuliyiintooda Wasiir Cukuse ugu sareeyo la doodayeen, waxay ku eedeeyeen in hanaan qabyaaladeed iyo Nin jeclaysi ah Shaqaalaha lagu maamulo, loona kala sad buriyo. Shaqaalaha cabanayay oo tiradooda lagu qiyaasay in ku dhaw 100 Qof ayaa Guddida dib u habaynta samaysay ku tilmaamay inay ahayd Guddi shaqaalaha cuno qabataysay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here