Caasimadda Hargeysa Oo Si weyn looga Xusay Maalinta Dhalinyarada Somaaliland

0
1204

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxaa gabi ahaanba saaka  siweyn looga xusay guud ahaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland maalintii dhagax tuurka dhalinyaraddii UFFO oo ku beegnayd 20.2.1982-kii waxaanay noqotay maalintani maalin loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.

Waxaa maalintani ay noqotay maalin ku suntan horseedna ka ah halgankii dheera ee dadkan iyo dalkanba lagu xoreeyay ee ay naftooda u hureen dhalintii wakhtigaasi joogtay.

Xuska maalintan oo siweyn looga xusay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi,jeex ayaa waxa lagu qabtay goobta taalada u ah maalintan ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex.waxaana badiba ka soo qayb galay xuskan dhalinyarada da’da yar ee reer Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here