Boqorka beeraleyda ah ee boqollaalka qof quudiya

0
1256

Barnaamijyo taxane ah oo ay BBC-da ka sameyneyso taariikhda dadka Afrikaanka ah ayuu qoraaga reer Nigeria ee lagu magacaabo Adaobi Tricia Nwaubani ku booqday boqor dhaqameed saameyn ballaaran leh oo bixiya dhiirri galin ku aaddan horumarinta beeraha.

Markii uu sannadkii 2015-kii geeriyooday boqorkii deegaanka Keffi oo ka tirsan gobolka Nasarawa ee waqooyiga-dhexe ee dalka Nigeria, wiilkiisa curadka ah oo 52 jir ah ayaa loo doortay in uu xilkiisa la wareego.

Isagoo 52 jir ah ayuu la wareegay boqortooyada

Waxaa mas’uuliyadda u dhiibay guddi boqorrada soo doorta oo uu deegaanku leeyahay.

Boqorkan oo lagu magacaabo Shehu Usman Chindo Yamusa III waxa uu dhaxlay ma aha kaliya mas’uuliyaddii uu aabihiis hayay muddo 37 sano ah, balse wuxuu sidoo kale la wareegay shaqaale faro badan oo qasriga boqortooyada ugu tiirsanaa raashinkooda iyo noloshoodaba.

Shaqaalahaas waxaa ka mid ah ciidan waardiye ah, kooxo dhinaca fanka qaabilsan, darawaliin, cunto kariyeyaal, shaqaale nadaafadeed iyo rag xannaaneeya qiyaastii 25 faras oo ay boqortooyadu leedahay.

Fardahan waxay astaan u yihiin boqortooyada, mar waxaa loo soo isticmaalay dagaallo loo galay ballaarinta boqortooyada.

Farduhu waxay astaan u yihiin boqortooyada

Waxay sidoo kale gaadiid u yihiin boqorka oo u adeegsada munaasabadaha islaamiga ah ama marka uu booqasho ku dhex marayo deegaanka Keffi, si uu isdhexgal ula sameeyo dadkiisa, una dhageysto fikradahooda.

Kooxo ciyaartoy ah ayaa fardahan bandhigyo ku sameeya ugana qeyb gala tartanno Keffi ka dhaca bilaha Luulyo iyo Disembar, kuwaasoo looga soo daawasho tago meelo fog fog oo xitaa ay ka mid yihiin Koonfur Afrika, Argentina iyo UK.

Marka laga soo tago fardaha, boqorku wuxuu sidoo kale leeyahay lo’ faro badan.

Qiyaastii 60 shaqaale ah ayaa howlaha qasriga billaaba subax walba saacaddu marka ay tahay 08:00, waxayna shaqada ka baxaan marka ay qorraxdu dhacdo 18:00, halka kuwa kalena ay ku dhex nool yihiin qasriga gudihiisa.

Dhammaan shaqaalaha waxaa raashin la siiyaa xilliyada caadiga ah ee cuntada.

“Haddii aan ka hadalno guud ahaan dadka ku dhex nool qasriga, waxay ka badan yihiin 100 ruux, iyagoo xitaa mushaar qaata ayaan raashinkoodana siinnaa”, ayuu yidhi boqorka Keffi.

Boqorka waxa uu sidoo kale leeyahay madal raashinka lagu cuno oo ay ugu imaadaan qaraabadiisa iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka, kuwaasoo dabcan mar walba ku hareereysan.

Dhammaantood waxay la cunaan raashinka saddexda waqti ee quraacda, qadada iyo cashada.

Tobannaan ruux oo daraskiisa ah, oo daggan guryaha ku dhow qasriga ayaa iyana u soo xaadira xilliyada cuntadada.

“Aad bay ii farxad galisaa inaan dadka quudiyo”, ayuu yidhi Boqorka.

Boqor walba oo Nigeriya deegaannadeeda ka jira wuxuu mushaar iyo dhaqaale loo qoondeeyay ka helaa miisaaniyadda dowladda, kharashkaas ayuuna ku bixiyaa wax walba oo ku baxa qasrigiisa.

Boqorkii hore ee Keffi wuxuu la mid ahaa amiirradaas, dhaqaalaha kasoo gala dhinaca dowladda ayuuna u isticmaali jiray kharashka ku baxa.

Hase ahaatee, boqor Shehu Usman Chindo Yamusa III wuxuu la yimid fikrad cusub oo ka duwan habkii uu aabihiis ku dhaqmi jiray.

“Markii aan noqday boqorka, waxaan eegay horumarka uu aabahay gaarsiiyay howlaha boqortooyada, waxaana dareemay in aan sii amba qaado horumarkaas”, ayuu yidhi.

Wuxuu go’aansaday in uu dadka ku tiirsan ka quudiyo raashinka, kasoo laga helo dalagga kasoo go’a beerihiisa. Arrintaas ayaana noqotay mid uu ku guuleystay, iyadoo hadda dadka ku nool qasriga iyo dadka kale ee ku tiirsanba ay cunaan raashin maxalli ah oo beeraha laga keenay.

Ka hor inta uusan la wareegin taajka boqortooyada, Shehu Usman Chindo Yamusa III, oo ah boqorka 15-aad ee deegaanka Keffi, wuxuu cilmiga sharciga kasoo bartay jaamacadda gobolka Nasarawa.

Boqorkan oo aabe u ah shan carruur ah oo ay u dhaleen 2 xaas ayaa sidoo kale shahaadada diktoorada ee cilmiga sharciga kasoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Uk.

BBC

LEAVE A REPLY