Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo Lagu soo Dhaweeyey Hargeysa

0
1204

Hargeysa (HargeisaPress)—Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Mr. Ismaaciil Axmed Jaamac (San-dheere), ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa shalay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Wakaaladda Qurbo-joogga iyo dadweyne kale, ayaa Guddoomiye Ismaaciil Axmed Jaamac (San-dheere) ku soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa.

Agaasimaha Wakaaladda Qurba-jooga Somaliland Mr. Xasan Axmed Yuusuf oo ka hadlay soo dhawayntaas, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay dalka Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyaan Ismaaciil San-dheere, waxaannu yidhi;  “Waxaannu soo dhawaynaynaa Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Mr. Ismaaciil Jaamac (San-dheere), waanan ku faraxsannahay in aan soo dhawayno.”

Sidoo kale, Agaasimaha Wakaaladda Qurba-joogga oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka waramay doorka guddoomiye San-dheere ugu jiro waddanka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan uga mahadcelinaynaa guddoomiye San-dheere doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay jaaliyadda iyo dalkiisa Somaliland, waxaana xusid mudan inuu kaalin muhiim ah innoogu jiro.”

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Ismaaciil Axmed Jaamac (San-dheere) oo isaguna ka hadlay imaatinkiisa dalka, ayaa ka mahadceliyey soo dhawayntii loo sameeyey, waxaannu yidhi; “Waxaan maanta ku faraxsannahay in aan dalkaygii hooyo ku soo noqday, aniga oo muddo ka maqnaa, dareenkaygana lama soo koobi karo, waanan u mahadcelinayaa cid kasta oo i soo dhawaysay ee madaxda  Wakaaladda Qurbo-joogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee qoyska ka socdaba, wixii kale ee xog ahna waynu kala qaadan doonaa.”

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

Hargeisapress@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here