Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka Dayriyey Xaaladaha Xilligan ka Taagan Dalka Somaliland

0
1165
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan PHOTO FILE

Hargeysa (HargeisaPress)—Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in loo wada hawlgalo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka la xidhiidha abaaraha iyo colaadaha kala duwan ee ku soo noqnoqda dalka Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo khudbad ka jeediyey fadhiggii Golaha Guurtida ee Maanta, waxa uu tilmaamay in aanay jirin meel u nool Somaliland, waxaannu yidhi; “Meel inoo nooli ma jirto oo meel walba dab ayaa innagaga qiiqaya, abaar ayuu Ilaahay innagu soo beegay, abaarta aynu ka ducaysanno oo inoo duceeya, Ilaahayna (SWT) ha innaga jabiyo abaarta, laakiin colaadda innaga ayaa isku hayna (oo gacmaheenna ayey ku jirtaa), mana jirto meel aan qiiqayn bariga iyo galbeedka, waana wada colaad qabaa’il, cudur ka xun qabyaaladduna sooma marin dunida, waxaanna innagu qayb-qaybaya afar dagaal iyo mid qaran oo ay innagu hayaan Puntland iyo Soomaaliya, Ilaahay ha innaga dammiyo colaadaha, laakiin ducada ah Ilaahay ha innaga dambiyo waxa lagu daraa fal (ficil la sameeyo), markaa wixii aynu ka qaban karno colaadahaas aynu ka talinno, colaad waartayna khayr iyo ijaabo midna ma laha.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Guurtidu sheegay in marka uu Madaxweynaha Somaliland ka soo laabto safarkiisa dalka Imaaraadka Carabta laga wada shaqayn doono sidii Xukuumadda iyo Golaha Guurtidu iskaga kaashan lahaayeen dhibaatooyinka ka jira dalka.

“Innaga iyo Xukuumadduba bal waxa aynu isku biirsannaba, ha laga wada hawlgalo sidii aynu u dammin lahayn colaadahaas reeraha, hawsheedana aynu galno, Madaxweynuha ha inoo soo noqdo (ha ka soo laabto safarka Imaaraadka), markaa waynu ka wada hawlgelaynaa, laakiin waxa ay arrintaasi u baahan tahay dedaal.”

“Waa in aynu dadka dhexmarno oo la aragno xaaladdooda oo bal horta arrintan biyo la’aanta lala arko, cawskii (baadkii xooluhu) wuu jiraa ayaa la sheegaye, waxaanna laga cabanayaa waa biyihii iyo colaadahan, markaa aynu bulshada dhexmarno oo aynu la soo ogaano. Laba wefti oo ballaadhan ayeynu diri doonaa haddii Ilaahay yidhaahdo oo u kala baxa Gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland, sidii aynu hore u samayn jirnay, muddona waynu ku qaadan doonaa, markaa qaran ahaan marka aynu isla kaashanno wixii qaran ahaan laga qaban karo waynu ka qaban doonaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here