Banaanbax looga soo horjeedo duqeynta Israel ee Gaza oo Maanta ka dhacay London ee dalka Britain + SAWIRRO

0
1020

Dibadbax_looga_horjeedo_Israa'iil_1London, (HargeisaPress) —Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeda gumaadka ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falastiin ee ku nool Gaza ayaa maanta ka dhacay afeefka hore ee safaradda Israa’iil ay ku leedahay magalada London ee xarunta dalka Britain.

Dibad-baxan ayaa waxaa ka qaybgalay dad isugu jiray caddaan, Afrikaan ay dad Soomaaliyeed ka mid ahaayeen iyo Carab, waxaana dadweynaha dhigay dibadbaxa ku jiray kuwo gaalo ah oo kasoo horjeeda falalka duqeynta ah ee Israa’iil ay kawaddo marinka Gaza.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku diiddan yihiin duqeynta Israa’iil ay kuwaddo Gaza, kuwaasoo ay qaarkood ku qornaayeen erayo lagu dalbanayo in la joojiyo duqeynta oo boqolaal qof ay ku dhinteen, kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

“Shacabka dibadbaxa dhigaya noocyo kala duwan ayay jiraan, waxaana ka mid ah dad gaalo ah oo diiddan duqeynta Israa’iil ay kawaddo Gaza. Waan ka xanuunsanaynaa dhammaanteed waxa ku dhacaya shacabka Falastiin, taas ayaana isku keek keentay, innagoo kala, af, dhaqan iyo diinba ah,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Abuukar Cawaale oo ah guddoomiyaha guddi si weyn ugu ololeeyay in qaadka laga joojiyo Britain.

 

Abuukar Cawaale ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha in dadka isku soo baxay ay tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo qof oo dhammaantood hal mowqif ka taagan duqeynta ay Israa’iil kawaddo marinka Gaza.

Dadweynaha dibadbaxa ka qaybqaadanayay Dibad-baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku cambaareynayaan dowladda Yuhuudda, iyagoo ku qaylinayay ‘Israa’iil iyo Maraykanku ha dhaceen… Falastiin ha loo ogolaado inay xorriyad ku noolaato’ iyo kuwo kale.

Weerarka Israa’iil ee ay kawaddo Marinka Gaza ayaa wali socda iyadoo ay ku jiraan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay carruur aad u da’yar oo ay gantaallada diyaaradaha Israa’iil ku dhaceen guryahooda.

Xukuumadda Yuhuudda ayaa ku dhawaaqday inay sii wadi doonto duqeynta inta ay hor-istaagayso gantaallada ay kooxda Xammaas ee dalka Falastiin ku garaacayaan deegaannada Yuhuudda.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here